Araweelo News Network

christ-gardner-iyo-wiilkiisa
Ninka la yidhaah Christ Gardner iyo wiil uu dhalay waxa ay noloshoodu ahayd mid aad u liidata oo saboolnimo xad-dhaafa. Waxa ay seexan jireen gidaarada iyo waliba suuliyada. Waligii kumuu fikirin amma kumuu riyoon in habka uu u noolaa ee adkaa noqon karto sheeko laga samayn karo filim amma shirkadda Hollywood ee filimada Maraykanka samaysaa qaadan karto.
Waxa ay ahayd horraantii 1980aadkii, waqtigaas oo uu Mr. Gardner da’diisu ahayd 27 jir, isaga iyo wiil uu dhalayba waxay ahaayeen darbi-jiif noloshu aad ugu adag tahay oo kolba gabbalku halka uu ugu dhaco ka seexda magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka.
Waxa uu noqday shaqaale hoosaad ka shaqeeya shirkadaha, gaar ahaan waxa uu ka hawlgali jiray suuqa, balse lacagta uu qaato ma ahayn mid u kirayn karta hoy qolna ha ka ahaadee si isaga iyo wiilkiisu qabawga ugaga gabbadaan.
Mr. Gardner oo waalidkii ka xidhiidh furmay, isaga iyo wiilkiisa Chris inta badan waxa ay seexan jireen suuliyada istaanada tareenada, barxadaha kuraasta taala, kiniisadaha iyo meel kasta oo uu u arko in ay habeenka seexan karaan.
Waxa ay cuni jireen cuntada lacagtood u goyso, markii uu shaqada helayna waxa uu wiilkiisa gayn jiray goob xannaano si uu shaqada u soo dhammaysto.
Waxa uu shaqadii uu helay u keentay inuu noqdo nin dallaca oo kala iibiya sheerarka suuqyada amma wadaagyada ganacsiga (Stocks and Shares), markii uu dhammaystay tijaabadii iyo tababarkii waxa shirkaddii uu ka hawlgalay ee DWR (Dean Witter Reynolds) ka dhigtay shaqaale buuxa.
Waxa kor-u-kacaas dhaqaale ee uu gaadhay u sababay inuu kiraysto guri ay isaga iyo wiilkiisu ku nooladaan, waxa uu ka mid noqday markiiba dabaqada dhexe.
Sannadkii 1987kii waxa uu furtay shirkad u gaar ah oo uu maalgashigeeda lahaa, taasoo uu u bixiyey Gardner Rich.
Markii la ogaaday dalaadhicii iyo silicii hore ee saboolnimadu soo marisay, ayaa shirkadda Hollywood sheekadiisa baadhitaan u samaysay. Xaqiiqo badan ka heshay, taasina waxa ay keentay in laga sameeyo filim uu jili jilaa caan ah oo Maraykan ah oo la yidhaa Wales Smith.
Mr. Gardner oo 62 jir ah hadda waxa uu leeyahay $60 milyan hanti ah, waxaannu safar ugu baxaa adduunka meel kasta si uu khudbado dhiirigelin ah uga jeediyo, waxa uu noloshooda kafaalo qaaday dad aad u tiro badan oo darbi-jiif ah amma aan hoy haysan, isagoo sameeyey shirkaddo badan oo sadaqo iyo caawimo dadkaas siiya. Waxa kale oo uu leeyahay ururro la-dagaalama xad-gudubyada ka dhanka ah haweenka, maadaama uu goob-joog iyo markhaati ka ahaa dhacooyin badan oo xannuun leh oo lagula kacay haween badan.
Mr. Gardner carruurnimadiisii waxa uu ahaa nin rabshad badan, waqtiyad qaarna waxa uu galay xabsi, waxa ay keentay dhacdadaas inuu ku dhiirado qorista buug ka warramaya xusuus qorkiisa oo uu u bixiyey Te Pursuit of Happiness (Raadinta Farxadda), iyadoo waliba khaladka hab-qoraal ee cinwaanka uu ugu talagalay isagu. Buuggu waxa uu noqday buugga ugu iibsiga wanaagsan waqtigii uu soo saaray.
Waxa sannadkii 2006 la soo daayey film magacaa buuggiisa wata oo uu jilaaga Will Smith jilaayey, taaso uu jilaagu ku mutaystay abaalmarinta jilaaga ugu wanaagsan (Best Actor Oscar).
“Waxba beddeli mayso. Waxa aan carruurnimadaydii soo maray xannuun badan, sidaa darteed waa in aanay carruurtayduna marin. Waxa aan qaatay go’aan anigoo shan jir ah in ay ubadkaygu ogadaan cida uu yahay aabbahood. Intii hadhay hayaankayga nololeed wuu wanaagsanaaday, kadib markii aan go’aanka saxda ah qaatay,” ayuu yidhi Mr. Gardner.
Bilyaneerkan ma yaqaan aabbahiisa dhabta ah, balse waxa uu ku dhashay magaalada Milwaukee, waxaana saboolnimo ku soo korisay hooyadii Bettya Jean, balse aad u xumaa oo isaga iyo hooyadiiba garaaci jiray ninka hooyadii qabay.
Waxa jirta mar xataa uu la noola haweenay damacsanayd inay soo korsato, balse uu ka cararay markii nin ay is jecel yihiin gabadha isku dayey inuu dilo. Waxa uu inta badan hooyadii ku sheega in ay ahayd gabadh dhiirigelin badnayd.
“Waxa aan lahaa hooyo ii sheegi jirtay maalin walba; Wiilkaygii waad samayn karta amma noqon kartaa wax kasta ood doonayso inaad qabato amma noqoto. Waan aamini jiray 100%, Waxa ay odhan jirtay; wiilkaygii waxa aad maalin noqon doonta dadka sameeya malaayiin dollar. Kelmadahaasi ilaa hadda madaxayga kamay bixin,” ayuu yidhi Mr. Gardner oo hooyadii ka sheekaynaya.
Milyaneerkan nolosha si dhakhso ah ugumuu guulaysan, balse markii uu dugsiga sare ka baxay waxa uu afar sanno ka mid ahaa ciidammad abadda Maraykanka, balse markii 1974 laga eryey waxa uu u guuray San Franciscso, halkaas oo uu ka bilaabay inuu iibiyo qalab caafimaad oon qaali ahayn.
Waxa noloshiisa dhabta ah is beddeshay markii uu arkay nin qayrkii ah oo gaadhi cas oo noociisu Ferrari yahay meel dhiganaya, kadibna waxa uu Mr. Gardner waydiiyey waxa uu qabto, waxa uu ninkaas u sheegay inuu yahay dilaal ganacsi, waxaana la odhan jiray ninkanBob Bridges, kadibna waxa uu Mr. Gardner markii uu xoogga la sheekaysanayaey waydiistay inuu ku soo biiri karo shaqadaas.
Marar kale ayey kulmeen Mr. Bridges iyo Gardners, taasina waxay keentay inuu shaqo u soo helo, gaar ahaan tobabar shaqo.
Markii filimka laga sameeyey noloshiisa isbeddel badan buu dareemay. Sannadkii 2012 waxa ka geeriyootay xaaskiisa oo u dhimatay cudurka Kansarka, iyadoo 55 jir ah.
Waqtigan waxa uu 200 maalmood ka mid ah waqtigiisa ku qaata safar dunida guudkeeda uu ku dawafaayo, isagoo dhiirigelin u sameeya dadka, gaar ahaan 50 dal oo adduunka ka mid ah buu ku qabtay barnaamijyo iyo khudbado.
“Waad guulaysan kartaa, guul darraysan kartaana, balse waxaad guul darraysatay markaad naftaada ka quusato. Marka loo eegaayo mad-habta fikirka waxaan noqon kara khamriyo cab, xaaskii garaaci, carruurta ku xad-gudbe iyo jaahil guul darraystay, balse waxaan doortay iftiim ka yimi hooyaday iyo dadka klae,” ayuu yidhi Mr. Gardner.