X
    Categories: Qubanaha

Noloshiisa Waxa Galaaftay Sawir Uu Doonayay Inuu Mobilkiisa Iskaga Qaado

Araweelo News Network
Rawalpindi– Pakistan (ANN)Wiil dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Pakistan, ayaa tareen kuwa xawliga u socda la tegay, isagoo qorshaynayay inuu waddada badhtankeeda iskaga qaado Mobaylkiisa sawirka (Selfie) ee kurka ah sida ay sheegeen saraakiisha dawladda dalkaas.

Mr. Jamshaid Khan, 22 jir shaqaale ka ahaa waaxda waddooyinka tareennada, ayaa isku dayey inuu moobaylka sawir iskaga qaado, kadibna dhex istaagay waddada badhtankeeda, taasina keentay in tareen ku socday Rawalpindi uu la tago.

“Jamshed Khan oo deggenaa degaanka Dhok Ratta ee magaalada Rawalpindi ayaa tareen jiidhay, isagoo sawir kur ah (selfie) iskaga qaadaya waddada. Tareenka . kadibna uu jiidhay oo markiiba wuu dhintay.” Sidaa waxa yidhi Deeba Shahnaz oo ah saraal sare oo ka tisan waaxda badbaadinta Pakistan oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.
Sidoo kale, booliska ayaa caddeeyey geerida wiilkan, balse aabbihii ayaa aqbali waayey in wiilkiisu ku dhintay sawir kur (Selfie) oo uu iska qaadayey.

“Jamashed aabbihii Muhammad Pervez ayaa sheegay in wiilkiisu shil ku dhintay isagoo waddada dhaafaya,” ayuu yidhi sarkaal boolis ah.

Waqtiyadan dambe ayaa da’yarta caalamka caan ku noqday sawirrada kurka ah ee moobillada la iskaga qaado, iyagoo ku baahiya mareegaha lagu sheekaysto (Social Media) sida Facebook iyo Twitter-ka. Meel kasta oo ay tagaan moobaylka casriga ah (Smart Phones) ayey sawirrada noocan ah iskaga qaadaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post