Araweelo News Network

khaalid sheekh
Madaxweyne Barack Obama oo xilka ku wareejinaya Madaxweynaha cusub ee la doorta Jimcaha maanta, ayaa helay farriin uu soo qoray Khalid Sheekh Maxamed oo ah maskaxdii ka dambaysay qarraxyadii Daaraha dhaadheer ee loo yaqaan 9/11 (11 September, 2001).
Warbaahinta CBS News oo Jamhuuriya soo xigtay, ayaa baahisay in saraakiil Aqalka Cad ka tirsan u xaqiijiyeen farriinta uu ninkan u diray, balse may sheegeen waxyaabaha ku qoran oo faahfaahsan.
Waraaqdan ayaa uu Khaalid soo qoray sannadkii 2014kii sida uu daabacay wargeyska The Miami Herald, waxaana Madaxweynaha si rasmi ah loogu geeyey, kadib markii garsoorku hubiyey amarna ku bixiyey in loo gudbiyo waraaqdan ka soo baxday maxbuuska Guantanamo Bay ku xidhan, iyagoo dirista farriintana ay ka qaybqateen saraakiisha xabsigaas haysta.
Maxamed oo ku xidhan xabsiga Guantanamo Bay ayaa ku xukumay dil, waxaannu wargeyska Herald baahiyey in waraaqdan si degdeg ah loogu gudbiyey Madaxweyne Obama si uu u helo ka hor inta aannu xukunka la wargeen Donald Trump Jimcaha maanta, isagoo Mr. Obama awood u leh inuu warqadan si qarsoodi ah u qaato, una akhriyo.
Maxamed ayaa farriintiisa ay ka mid ahayd sida wargeyskaas baahiyey; “Muslimiinta waxa ay ku jiraan cadaasi ay ku hayaan reer galbeedku, gaar ahaan Maraykanka,” sidaas waxa tilmaamay qareenka ninkan oo la yidhaa David Nevin, sidoo kale waxa uu waraaqda ku qoray maxbuuskan dhacdooyin ku saabsan dhibaatooyinka Maraykanku ka geysteen Ciraaq, Falastiin iyo Gasa.
Xeer-ilaaliyaha Dambiilayaasha dagaal ee Xarunta Difaaca Maraykanka ee Pentagon Gen. Mark Martins ayaa aad uga soo horjeestay in waraaqda loo gudbiyo Madaxweynaha, isagoo sheegay in ay tahay borobagaanda laga faafiyey maxbuuska.