X
    Categories: Qubanaha

Nin Riyaha La Nool Iyo Sababta Ku Kaliftay

London(ANN)Cilmi-baadhe ku dhashay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo magaciisa la yidhaa Thomas Thwaites, ayaa sannadkii 2014ka oo dhan u noolaa sida riyaha si uu wax badan uga ogaado dabeecadaha nololeed ee xoolaha, gaar ahaan adhiga oo ay u horreeyaan riyuhu.
Ninkan oo 34 jir ah waxa uu samaystay lugo kombuyuutar ah (Prosthetics) sii uu ugu socdo sida riyaha, isla markaana iskaga dhigo neef ka mid ah oo la daaqaya, isagoo doonayey inuu wax badan ka ogaado dabeecadahooda, gaar ahaan habka ay u wada xidhiidhaan.
Sidoo kale, waxa uu samaystay calool malo’awaal ah (Artificial Stomach) oo u eeg ta rida si isaga dhigo mid daaqaya cawkooda oo kale.
Dedaalka uu ninkan ku bixiyey cilmi-baadhistan oo ay maalgelinaysay xukuumadda Ingiriisku, waxa ay keentay inuu muddo riyahan kula noolaado deegaanka Swiss Alps, xataa waxa uu kala baxayey figaha iyo buuraha ay koraan isagoo afarta lugood ee mala-awaalka ah ku socday.
“Aad bay u adkayd hawshaas, u cadho badnayd, sababtoo ah waxa aad tahay bani’aadam, waxa aan doonayey markii hore in aan maroodi iska dhigo, balse way shaqayn wayday, sidaa darteed waxa aan go’aansaday in aan ri iska dhigo,” ayuu yidhi Thwaites oo la hadlayey Dailymail oo Jamhuuriya soo xigatay.
Waxa uu cilmi-baadhahan dadka riyaha raaca ka dhaadhiciyey inuu la noolaanayo, daraasadna ku wado, waanay ka ogolaadeen, balse waxa uu sheegay in lugaha uu xidhay ay ahaayeen qaar aad u xannuun badan oo ku keeni jiray in dhibaato gacmaha iyo lugaha ka soo gaadho.
“Waxa aad u fududayd in aan lugaha been-abuurka ah (Prosthetic) ku koro meelaha buuraha ah, iyadoo riyuhu igu hareeraysan yihiin, wax cabsi ah amma didis ahna kamay muuqin, balse riyaha oo dhan way i eegayeen, mid kastana calaashiga way joojinaysay markaas, balse waan la saaxiibay,” ayuu yidhi cilmi-baadhahan.
Beeroolaha riyaha iska lahaa, ayaa u sheegay cilmi-baadhaha in riyuhu aqbaleen inuu ka mid noqdo, isla markaana la noolaado, isagoo u dhaqmaya sida riyuhu u dhaqmaan oo kale.
Waxa uu ka qoray buug uu dhawaan soo saari doono uu u bixiyey “Goatman” (Ninkii Rida ahaa), kaasoo uu ku faahfaahin doono noloshii riyaha ee uu ku noolaa muddadaas iyo waxyaabaha cajiib ah ee uu kala kulmayba.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post