X
    Categories: Qubanaha

Nin Nolosha ka Bilaabay Qaxootinimo oo Noqday Hantiile Bilyaneer ah

Araweelo News Network

Nin dhallinyaro ah oo magaciisa la yidhaa Ashik Thakkar, ayaa hadda noqday wiilka ugu da’da yar hantiilayaasha bilyaneerrada qaaradda Afrika, kadib markii uu aasaasay shirkad lagu magacaabo The Mara Group oo samaysa maalgashi la xidhiidha dhinacyo badan oo gacansiga ah.
Wiilka dhallinyarada ah oo da’diisu tahay 34 jir, ayaa marka la maqlo magaciisa dad badan xasuustaan noloshiisa qaxootinimada ahayd iyo waliba ka saaqidistii waxbarashada, iyadoo qoyskiisu asal ahaan ka soo jeedaan dalka Hindiya, balse waxa ay muddo afar jiil ah ku noolaayeen qaaradda Afrika.
Markii da’diisu ahayd 13 jir, waxa ay deganaayeen dalka Rwanda, balse waxay halkaas ka qaxeen sannadkii 1994-kii, waqtigaas oo xasuuq badan ka dhacay dalkaas, waxayna u guureen dhinaca waddanka Uganda, kuwaasoo qoys ahaan la soo tacaalay nolosha, iyagoo dedaal adag u galay sidii ay dib-u-dhis ugu samayn lahaayeen hab-nololeedka qoyskooda.
Ninkan dhallinyarada ah oo la hadlay wargeyska Huffington Post oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa noloshii adkayd ee qoyskoodu ku dhiirigelisay inuu 15-kiisii ka baxo dugsigii waxbarashada, si uu noloshiisa meel u saarana wuxuu bilaabay inuu ka shaqeeyo iibinta qalabka kombuyuutarka (IT Business). Ganacsigaasi waxa uu aakhirkii u dhalay shirkadda Mara Group oo ah shirkad ka shaqaysa tignoolajiga, bangiyada, wax-soo-saarka iyo waliba kiraynta iyo iibinta hantida ma guurtada ah.
“Waxa aan doonayey inaan noqdo ganacsade oo aan qoyskayga taageero. Waxa ay waayeen wax kasta.” Sidaa waa yidhi Mr. Ashik Thakkar oo la hadlay wargeyska Huffington Post, isagoo intaas ku daray in silic iyo saxariir nololeed, kadib uu 20 jirkiisii furtay dukaannada ugu waaweyn magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Shirkaddiisa hadda waxa ka shaqeeya 11,000 (kow iyo toban kun) oo qof oo ka soo kala jeeda 25 dal. Sidoo kale, waa Guddoomiyaha Golaha Hal-buurka Ganacsiga Qarammada Midoobay (United Nations Foundation Global Entreprenuers Council). Sannadkii 2009 waxa uu aasaasay shirkadda Mara Group oo inta badan adeegyadeedu internet-ka u badan yihiin.
“Aabbahay waxa uu ka yimmi Hindiya, wuxuuna tegay dalka Uganda sannadkii 1890-kii. Dhab ahaantii shaqo doon buu ahaa. Sidaa si la mid ah hooyaday qoyskooduna waxa ay Hindiya ka soo guureen 1920-kii. Waxa ay tegeen Tansaniya. Waalidkay waxa ay ku kulmeen, iskuna guursadeen dalka Kenya. Si ay u wada noolaadaan waxay degeen Rwanda, balse 1972-kiii (Waqtigii Xasuuqa Burundi) dhacay way baxsadeen. Waxa ay u guureen dhinaca dalka Ingiriiska. Waxa ay hoosta ka soo bilaabeen noloshoodii oo ay yab-yabeen mar kale. Wax kasta way waayeen.
Sidaa darteed, aabbahay waxa uu shaqo ka bilaabay shirkadda Ford, halka Hooyaday laf ahaaanteedu ay shaqo ka bilawday shirkad la yidhaa Walkers Crisps. Muddo ayey woxogaa dhaqaale ah isku ururiyeen. Ganacsi bay abuurteen, kadibna guri yar bay iibsadeen. Nasiib darro 1983 waxay u xiiseen Afrika iyo gurigoodii, sidaa darteed, gurigoodii intay iibiyeen ayey soo galeen dalka Rwanda. Waxa aan ahaa 12 jir. Muddo 9 bilood ah kadib waxa dhacay xasuuqii Rwanda. Waalidkay, walaashay iyo aniguba waxaannu nolol kaga soo baxnay goobtaas, wax kastaana way naga burbureen.
Waalidkay nama ay dareensiin in aannu nolol adag ku jirno iyo in noloshayaduba khatar ku jirto. Waxay nala ciyaraayeen ciyaar kasta, maskaxdana way noo dejiyeen, laakiin waxaan joojiyey waxbarashadii, ganacsigayna waan bilaabay 15 jirkaygii. Guushuna halkaasay iiga bilaabantay,” ayuu yidhi Thakkar oo ka hadlayey sidii qoyskoodu ugala soo dabbaasheen noloshii adkayd iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post