X
    Categories: Qubanaha

Nin Kabbo Leekaada Adduunka ka Waayay Oo Ugu Danbayntii Hadyad ahaan Loogu Keenay

araweelo News Network

Venezuela(ANN) Inaad aad adduunka ka weydo kaba ku leekaada, xataa kugu soo dhawaada waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu adag, balse waxay arrintan haysaysatay nin u dhashay dalka Venezuela (Fanansuweela), kaasoo haysta rikoodhka qofka ugu cagaha dheer adduunka.
Ninkan oo magaciisa la yidhaah Jeison Rodriguez waxa uu Arbacadii toddobaadkan helay kabo hadiyad ah oo aanu filayn inuu heli karo, kaasoo uga timi nin la yidhaa Georg Wessel oo u dhashay Jarmalka, kaasoo ku takhasusay samaynta kaba dherarkoodu aan shirkadda caalamku samayn, sida buudhka, kabaha raaxada iyo sandhallada.
“Waxa aan samaynayey kabaha dadka adduunka ugu dheer muddo 40 sannadood ah, waliba bilaash baan ugu samaynayey,” ayuu yidhi Wessel oo warraysi lagula yeeshay telefoonka.
Ninkan ganacsadaha ah waxa uu sheegay inuu 500 beer oo kabbo noocan ah uu ugu deeqay dad kabbo leekaada ka waayey adduunka, waxaannu yidhi; “Waligay maan joojin inaan ku fikiro kabahan samayntooda inaan lacag ka qaado, sababtoo ah waa hadyad.”
Buugga dhacdooyinka cajiibka ah lagu qoro (The Guinness Book of World Records), ayaa Rodriguez oo 20 jir isagoo ah aqoonsaday 2014 inuu leeyahay cagaha ugu dheer adduunka. Cagtiisa midig dherarkeedu waa 15.5 iinjis (40.1 centimeters), halka cagtiisa bixidna tahay 15.6 iinjis.
Inkastoo Rodriguez iyo ninka kabaha u sameeyey ee Wessel aanay isku luqad ahayn, haddana way soo wada xidhiidheen, kadib markii ninkan Jarmalka saddex beer oo kabo ah ku caawiyey Rodriquez.
“Aad buu u farxay, waa wax cajiib ah,” ayuu yidhi Wessels oo la xidhiidhay Rodriguez qaraabadiisa oo Jarmalka degen si ay ula hadashiiyaan.
Sidoo kale, Rodriguez waa ninka ugu dheer dalka Venezuela, dherarkiisua waa 7 fuudh iyo saddex iinjis (2.21 meters.).
xigasho jamhuuriya

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post