Araweelo News Network
Waligaa ma ururisay shinni tiradoodu dhan tahay 20,000 (labaatan kun) oo xabbo, kadibna wejigaaga ma ku ururisay? Nin u dhashay dalka Sucuudiga oo shinnida dhaqda ayaa tallaabadaas ku dhaqaaqay, kaasoo doonaaya inuu dhacdooyinka adduunka ku galo shini tiradaas ah oo uu gadh iyo timo ka samaysto.
Zuhair Fattani oo shini ururinaayey in ka badan 30 sannadood ayaa ku dooday in dadka shinida dhaqda ay leeyihiin diaac ka hortaga in shinida qaniinyadeedu waxyeelayso, waxaannu bilaabay dhaqan aad u adag, kadib markii uu shini labaatan un oo xabbo ah oo nool nool dhakadiisa iyo wejigiisa ku ururiyey si fal cusub dunida u keeno.
Falka uu la yimi waxa uu soo jiitay sawir-qaadayaal aad u tiro badan oo ka qaaday sawirro cajiiba, kuwaasoo u diyaarinaaya inuu buugga dhacdooyinka adduunka u tartamo.
Ninkan shinida dhaqda oo soddon sannadood ku hawlanaa ka ganacsiga malabka shinidu soo saarto, waxa uu leeyahay saddex beerood oo shini ah oo ay ku nool yihiin 1,200 nooc oo shini ah.
Waxa uu sheegay in shinida qayb ka mid ah ay soo shaqayso oo soo ururiso ubaxa, macaanka iyo biyaha, cimrigooduna uu yahay lix toddobaad oo kaliya oo ku beegan xilliga sannadeedka shinidu malabka soo saarayso.
Sidoo kale, boqorada shinida oo inta badan ku jirta xamagta malabka cimrigeedu waa lix sannadood, marka uu dhammaadana qayb kala boqortooyada la wareegta.