X

Nayjeeriya: Nin Ikhtiraacay Gaadhi Bariga, Badda iyo Cirba Lagu Wadan Karo

Araweelo News Network

Nin Injineer ah oo la yidhaah Kehinde Durojaiye, una dhashay dalka Nayjeeriya ee galbeedka qaaradda Afrika, ayaa ku guulaystay inuu ikhtiraaco gaadhi lagu wadan karo badda, bariga iyo cirkaba.
Gaadhigan oo naanaystiisa la yidhaa ‘Kenny jet” waxa ikhtiraacuhu sheegay inuu ku guulaystay hamigiisii ahaa inuu sameeyo gaadhi bari-cir-biyood (Aero-amphibious jet car), waxaannu u sheegay idaacadda CNN oo Jamhuuriya soo xigtay in ilaa hadda uu ku guulaystay laba ka mid ah saddex hadaf oo uu lahaa.
“Waxa aan ku tijaabiyey badda, dad badan way yaabeen inuu ku socon karo badda iyo barigaba. Waa mid ka mid ah waxyaabaha dadka ka yaabiyey,” ayuu yidhi Kehinde, waxaannu sheegay inuu gaadhigan ku galay safar dheer oo magaalada Ibadan ah oo 84 mayl u jirta magaalada Lagos ee uu ku nool yahay. Waxa uu ku dooday in xawaarahiisu dhan yahay 120 km saacadiiba oo dhulka ah, halka baddana ugu yaraan uu socon karo lix noots (Six knots on the sea).
Ninkan oo 46 jira oo ah aabbo haysta afar carruur ah, waxa uu sheegay inuu ilaa carruurnimadiisii ku hamiyayey inuu gaadhi noocan ah sameeyo, isagoo xusay nuu maalin kasta ka hawlgalo samaynta baabuurta casrig ah, kana sameeyo looxa, ballaastiga iyo waxyaabo kale oo tiknoolajiyada ah.
Gaadhigiisan u dambeeyey waxa ku dhex yaala kursi sida xafiiska u samaysan, waxaannu rajaynayaa inuu maalin dhaw gaadhigiisan hawada sare ku dawaafi doono.
“Waxa aan doonaynaa in adduunka oo dhan ay suuragal u noqoto in ay gaadhigan oo kale helaan oo ay bari, bad iyo cir ba ku maraan, waa hadafkayga oon lab aka mid ah hadda gaadhay,” ayuu yidhi Durojaiye oo CNN warraysi siiyey.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post