X
    Categories: Qubanaha

Nawab of Sachin: Afrikaankii Boqortooyada ku Lahaa Hindiya iyo Sidii Taariikhyahannadu u Qariyeen

Araweelo News Network

Qormada 3aad

Habshi Sultanskii Bengal

Tiro badan oo lacag boqortooyada Habshi ah ayaa laga helay degaanka Bengal, taasina waxay iftiimisay taariikhda qotata dheer ee Afrikaanku ku lahaayeen xukumida dhul Hindiya ah, iyagoo waliba asal ahaan loo keenay adoonsi. Inta badan ee dhulka Bengal waxa xukumayey boqortooyo Muslim ah oo la odhan jiray Sultans of Delhi, gaar ahaan qarnigii 13aad.
Boqortooyadii Bengal Sultanate waxa aasaasay nin la odhan jiray Shams al-Din ilyas Shah markay taariikhdu ahayd 1352kii miilaadiga. Taariikhyahanka la yidhaa Stan Gordon waxa uu sheegay in waqtigan boqortooyadaas ay qoratay tiro aad u badan oo Xabashidii Abyssinia laga keenay ah, gaar ahaan adoontii Itoobiyaanka ahayd si ay ugu noqdaan ciidan. Kuma ay joogsan ciidanimo oo kaliya, balse waxay u dallaceen maamulka sare, sida in ay noqdaan garsoorayaal, cashuur ururiyayaal, sharci fuliyayaal iyo hawlo kale oo maamul.
Aakhirkii Itoobiyaankii ciidammada ku jiray waxay fursad u heleen in ay awoodda Saldanada la wareegaan oo uu majaraha hoggaanka u qabto Barbak Shahzada iyo waliba in ay xoog ku qabsadaan saldanadii Bengal Sultanate. Barbak Shahzada waxa uu dhidibada u taagay boqortooyadii Habshi Dynasty ee Bengal sannadkii 1487kii, waxaannu noqday boqorkii ugu horreeyey ee maamula, isagoo ku maamulayey magaca Ghyiyath-al-din Firuz Shah.
Waxa ku xigay boqorkan saddex boqor oo Itoobiyaan ah (Abyssinian rules). Tusaale ahaan, Saif al-Din Firuz waxa loo yaqaanay hoggaamiyihii ugu wanaagsan, “Waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa geesi, boqor aad u jecel dadka saboolka ah iyo kuwa baahan, dhisme aad u qurux badana hirgeliyey,” ayuu yidhi taariikhyahan Stan Gardon.
Ninkan la odhan jiray Firuz waxa la rumaysnaa inuu masuul ka ahaa dhisida xarumo diimeed iyo goobo cilmiga lagu barto oo aad u badan. Meelaha ugu caansan waxa ay ku yalaan degaannada ay ka mid yihiin Gaur oo qofka tagaa uu ku arki karo dhisme dheer oo aad loo ilaaliyey, qarniyo badana taagnaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post