Araweelo News Network
“Marka qoyskaagu wax xukumayeen boqollaal sanno, dadku weli waxay kuugu yeedhayaan darajad Nawab.” Sidaa waxa yidhi Nawab Reza Khan oo ka mid ah boqortooyo soo jireen ah oo la yidhaa Nawab of Sachin.
Reza Khan oo waqtigan a qareennimo kaga shaqeeya magaalada Sachin oo ka tirsan Gobolka Gujarat ee dalka Hindiya, waxa awoowayaashii asal ahaan ka soo jeedaan ciidammo amma addoon laga qaaday Abyssinia (Itoobiya) oo Hindiya la geeyey si ciidan ahaan amma millateri ay ugu noqdaan maamulladii ka jiray dalkaas, balse aakhirkii intay awoodaysteen noqday boqortooyo aad loo qadariyo.
Boqortooyada Nawab of Sachin waxay ahayd boqortooyo iskeed u samaysantay, laakiin dadka yagleelay ay ka soo jeedaan Afrikaan xukumayey Hindiya. Afrikaanku waxay qarniyo badan ku dhex milmeen bulshada dalkaas, iyadoo addoomihii Afrikaanka laga keenayey ee Amerika iyo Yurub la gaynayey si fiican loo diiwaangeliyey, ayaa haddana aan la ogaan awooddii Afrikaanku ku lahaayeen Hindiya.
Haddaba, dhoofintii nidaamsanayd ee addoonta Afrikaanka ah ee Hindiya la geynayey waxay la bilaabantay Carabta iyo Cusmaaniyiinta, halka aakhirkii ay la wareegeen Boortaqiiska (Portuguese) iyo Dhajku (Dutch), gaar ahaan qarniyadii 16aad iyo 17aad. Waxa laga helayaa Hindiya caddaymo xooggan oo muujinaya in qarnigii 12aad amma 13aad ay Afrikaanku ku xoogganaayeen Hindiya, gaar ahaan boqortooyooyinkooda ku lahaayeen.
Taariikhdu waxay badka soo dhigtay in farqi aad u weyn u dhexeeyey addoontii Afrikaanka ahayd ee Amerika iyo Yurub la geeyey iyo kuwii Hindiya laga iibgeeyey, maxaa yeelay Afrikaankii halkaas joogay waxay sameeyeen horumar bulsho, ciidan, dad xukuma, ganacsi iyo awood iyaga u gaar ah oo ay lahaayeen.
“Yurub iyo Amerika, Afrikaanku waxa loo geeyey in la addoonsado oo beeraha lagu falo iyo in ay warshadaha ka shaqeeyaan. Hindiya addoontii Afrikaanka ahayd waxa loo geystay ciidan amma awood millateri in ay noqdaan,” ayuu yidhi Dr. Suresh Kumano o ah buuni (Preffesor) barashada taariikhda Afrika ka dhiga Jaamacadda Delhi University.
Madaxdii millateriga addoonta ahaa oo si daacad ah ugu shaqaynayey hoggaamiyeyaasha xukumayey, waxay aakhirkii noqdeen adoon qaali ah, xooggan oo jidh ahaan iyo xeelad ahaan awood badan. Aakhirkii qaar badan oo ka mid ah waxay awood u heleen in ay ka mid noqdaan masuuliyiinta sare ee go’aanka siyaasiga ah ka go’, si qarsoodi ahna waxay u samaysteen meelo ay xukumi karaan oo Hindiya ka mid ah.
Waxa loo yaqaannay amma la baxeen magacyada ay ka mid yihiin Siddi amma Habbis (Ethiopians or Abyssinians). Erayga ‘Siddi’ waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa woqooyiga Afrika oo ah meesha aadka looga qadariyo qofka eraygan loogu yeedho… la soco qaybo kale…