X
    Categories: Qubanaha

Muran Ka Dhashay Guurka Haweenay Hinduu Ah Iyo Nin Muslin Ah Oo Maxkamadda Ugu Saraysa Hindiya Go’aan Kasoo Saartay

Araweelo News Network

Bunbai(ANN)-Maxkamadda ugu Sarreysa dalka Hindiya’ ayaa go’aan kasoo saartay xisaad ka taagnayd muran dhinaca guurka ah oo  ka dhashay haweenay Hinduu ah iyo Nin Muslim ah oo guurka dhexmaray xiisad dhanka Diimaha ah ka abuuray dalkaa.

 

Hadiya Jahan, oo ay da’deedu tahay 20 jir ayaa waxay ka soo jeedaa qoys Hindu ah, ayaa qaadatay diinta Islaamka, islamarkaana waxa ay guursatay nin Muslim ah, iyadoo ku dooday in ay xaq u leedahay in ay la noolaato Ninka ay dooratay.

Hase yeeshee Qoyskeeda, ayaa diiday, iyagoo ku doodayay in gabadhooda la duufsaday, Isla markaana ay sheegeen in uu qayb ka yahay guurkeedu shirqool ka dhan ah diinta Hinduuda.

Arrintani ayaa waxay sababtay in maxkamad hoose oo ku taalla dalka Hindiya ay waxba kama jiraan ka soo qaado guurka lamaanahaa, balse Maxkamadda ugu sareysa dalka Hindiya ayaa laashay guddoonkaasi , waxayna Go’aan ay soo saartay dib ugu soo celisay guurkooda oo ay sheegtay inuu yahay sharci.

Guurka u dhaxeeya Muslimiinta iyo Hindu-ga, ayaa dalka Hindiya, waxa cambaareeynaya qoysaska ku adag dhaqanka ee kala Diimaha ah dalka Hindiya.

Qaar ka mid ah kooxaha Hindu-ga ee asal raaca ah ayaa waxay ku tilmaameen guurka dhexmara dadka haysta diimaha kala duwan “Jeceyl Jihaadi ah ” – oo ay u isticmaalaan ragga Muslimiinta ah ee ka qaybgala mu’aamarada in haweenka Hinduuga ah la badalo diintooda iyada oo la shukaansanayo”.

Hadiya Jahan, oo magaceedii hore uu ahaa Akhila Asokan, ayaa mar waliba ku adkaysanaysay in tallaabada ay qaaday ay ahayd mid iyada oo xor ah ay ku dhaqaaqday.

 

Ms Jahan iyo seygeeda ayaa racfaan ka qaatay go’aankii lagu joojiyay guurkooda, kadib markii maxkamad ku taalla gobolka Kerala guurkooda waxba kama jiraan ku tilmaamtay.

Waxayna markaa kadib Rafcaan ka qaateen go’aankaa, iyadoo maxkamada ugu sareysa ee dalkaa oo looga yeedhay si ay u bixiyahaan markhaati ku waajahan in lagu qasbay in ay diinta Islaamka qaadato iyo in kale.

Ms Jahan ayaa u sheegtay gole garsoorayaal ah oo ka kooban saddex oo uu hogaaminayay madaxa cadaaladda Dipak Misra, in ay doonayso xorriyad iyo in ay aragto seygeeda oo ay sheegtay in dhaqaale ahaan uu taageerayo.

Waxayna sidoo kale sheegtay in waalidiinteedu ay “si sharci daro ah ay guriga ugu hayeen ”

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post