X

Miisaaniyaddaha Dhanka Millateriga Oo Korodhkii Ugu Badnaa Lagu Sameeyay Soddon Sannadood

Photo a @Human Rights Watch

#Araweelo_News_Network.

 

Stockholm (ANN)- Dunnida waxa si weyn u saameeyay dhaqaalaha iyo amniga dagaalka Ukraine oo ay ku hirdamayaaan xulufadda NATO ee Maraykanku hoggaamiyo oo taageeya Ukarine iyo Ruushka dedaal ugu jira inuu soo celiyo xullufadii dhigeeda ahayd ee Warsaw ee Ruushku hoggaaminayay muddada dheer, bilawgii 1955, balse xilligan loogu walqalay magac kale oo isbaahysi awood dhaqaale iyo mid millateri leh.

 

Dhinaca kale, dalalka Yurub waxay kordhiyeen kharashaadkooda dhanka Millateriga 13% sanadka 2022, taas oo ka dhigay korodhkii ugu weynaa ee muddo 30 sano ah,

Machadka caalamiga ah ee cilmi baadhista nabadda ee Stockholm (SIPRI), kaas oo ah hormuudka fikirka amniga caalamiga ah, ayaa sheegay korodhka Miisaaniyadda dalalka Yurub iyo dunnida kale ee arrimaha Millateriga oo dagaalka Ukraine sabab u noqday.

Machadka, ayaa xusay in kharashaadka Millateriga ee dunida oo dhan ay kordheen, taas oo lagu qiyaasay inuu kordhay adduunka oo dhan, 3.7%, kaddib markii Ruushku si buuxda u bilaabay duullaankiisii ​Ukraine bishii Febeury ee sannadkii hore.

Sidoo kale, Machadka caalamiga ah ee cilmi baadhista nabadda ee Stockholm (SIPRI), ayaa sheegay in Ukraine kordhisay kharashkeeda dhanka Millateriga ku dhawaad lix jeer iyo badh ilaa $ 44 bilyan (qiyaastii € 40 bilyan), in kasta oo ay sidoo kale heshay xaddi baddan oo gargaar Millateri shisheeye ah.

Mareykanka oo kaliya ayaa ku yaboohay in ka baddan 43.2 bilyan oo gargaar Millateri ah, sida uu sheegay Machadka Kiel ee Jarmalka.

Dhanka kale, Ruushku wuxuu kor u qaaday miisaaniyadiisa Millateriga 10% kaliya, ilaa uu gaadhsiiyay $ 86.4 bilyan, taas oo muujinay in dagaalka Ukarine saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalaha adduunka.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post