X
    Categories: Qubanaha

Maxbuus Jeelka ku Jira oo loo Doortay Maayirka Magaalada ugu Ballaadhan Dalka Pakistan

Araweelo News Network

Karachi(ANN) Mr. Waseem Akhtar oo ay maayir ahaan u magacaabeen Xisbiga MQM (Muttahida Qaumi Movement), ayaa ku guulaystay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Degaanka ee magaalada Karachi ee dalka Pakistan oo doorashadeedu dhacday 24 August 2016.
Caasimadda Karachi waa magaalada ugu ballaadhan Pakistan, waxana maayirkan cusub doortay dad ka badan 20 milyan oo qof, isagoo waliba ku jira xabsiga, waxaannu ballan ku qaaday inuu jeelka dhexdiisa ka maamuli doono magaaladaas.

Mr. Akhtar oo hore u ahaa xildhibaan Golaha Sharci-dejinta ah, ayaa loo doortay inuu noqdo maayirka Karachi maalintii Arbacada ee toddobaadkii hore, isagoo ku jira jeelka dhexe ee magaaladaas oo uu ku xidhnaa muddo bil ka badan.
“Akhtar waxa la xidhay bishii July, isagoo lagu eedeeyey inuu caawinayey dablay hubaysan iyo dambiilayaal, siiyeyna hoy iyo dawo. Akhtar waxa kale oo lagu haystaa dambiyo ah inuu mudaharaado abaabulay May 2007 oo masiibo ka abuuray magaalada Karachi, haddii dambigaas lagu helo waxa laga yaabaa in aan sannado dhawr ah la sii dayn.” Sidaa waxa lagu yidhi warbixin lagu daabacay wargeyska Quartz oo Jamhuuriya soo xigtay.
Waxa ninkan maxbuuska ah ee Akhatar doortay xisbi siyaasadeedka MQM (Muttahida Qaumi Movement) oo tobannaankii sanno ee u dambeeyey maamulayey Karach. Waxa uu xisbigani leeyahay koox millateri, taasoo qayb ka ah in ninka ay doorteen ee Wasem xabsiga loo tacaabo.
Waxa uu maayirkan cusub sheegay inuu magaalada ugu qanisan dalka Pakistan ka xukumi doono qolka uu xabsiga kaga jiro, isagoo sheegay inuu xabsiga waydiisan doono in loo ogolaado inuu xafiis ka dhex furto si ay dadku u heli karaan adeegiisa, sida daabacday Wakaaladda Wararka ee Reuters oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay.
“Ma jiro hool shirar ah oo xabsiga dhexdiisa ah oo ku fulan in Golaha Degaanku ku kulmaan… waxa soo qabanqaabin doona habkaan uga qaybgalayo shirarka saraakiisa jeelka. Waxa aan ka shaki qabaa in maayirka cusub inuu ku-xigeenkiisa u igman doono inuu shirarka uga qaybgalo.” Sidaa waxa yidhi sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Pakistan oo la hadlay wargeyska Financial Times.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post