X
    Categories: Qubanaha

Maxa ka Jira in Madaxweynaha Falastiin uu ahaa Basaas ka Tirsan Hay’addii Sirdoonka Ruushka ee KGB?

Araweelo News Network

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, waxa uu ahaa basaas ka tirsan hay’adii mukhabaraadka ee Ruushka ee loo yaqaanay KGB, kaasoo hawsha uga waday magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya 1980aadkii sida laga ogaaday siro iyo dhukumantiyo uu waqti hore faafiyey nin Ruushka u qaabilsana haynta faylasha siraha culus ku jiraan.
Warbaahinta Isra’iil, ayaa sheegay in Madaxweyne Cabbaas uu ka mid ahaa Sirdoonkii KGB eek a hawlgali jiray Dimishiq sannadkii 1983kii, iyagoo soo xigtay dhukumanti uu Ruushka ka soo xadday nin hore kaydka sirdoonka ugu qaabilsana oo la yidhaa Vasili Mitrokhin.
Sida dhukumantiga lagu sheegay waxa uu Cabbaas ahaa basaas khatar ah oo hawlgallo badan ku guulaystay.
Wargeyska Jerusalem Post ayaa sheegay in 1983kii Safiirki Midawga Soofiyeet u Fadhiyey Dimishiq uu ahaa Mikhail Bogdanov, waqtignaa isku dayaaya inuu qabanqaabiyo shir lagu qabanaayo Moscow oo lagu wada hadalsiinaayo Isra’iil iyo Falastiin.
Waxa ay sheegeen in ninka sirahan faafiyey ee Mitrokhin la yidhaa uu ka falaagoobay sirdoonka Ruushka, kadibna sannadkii 1991 gacanta u geliyey reer galbeedka kumanaan dhukamantiyo sir ah, waxaanay taasi masuul ka noqotay in la ogaado basaasiin badan oo Ruushku ku dhex qarsaday waddamada reer galbedka.
Warkan, ayaa yimi, kadib markii Cabbaas Salaasadii uu booqday dalka Poland, sheegayna inuu Moscow kula kulmayo Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Mr. Benjamin Netanyahu dhammaadka toddobaadkan.

Madaxweyne Cabbaas ayaa ku dhashay magaalada Safed sannadkii 1935kii, waxaanay isaga iyo qoyskiisu u qaxeen Suuriya, ka hor intii aannu dhicin dagaalkii Madaxbannaanida la odhan jiray 1948 ka dhacay dhulka Falastiin iyo Isra’iil isku haystaan.
Waxa uu shahaadada koowaad ee sharciga (BA in Law) ka qaatay Jaamacada Dimishiq (Damascus University), aakhirkiina waxa uu galay Jaamacad la yidhaa Oriental College oo Moscow ku taala, halkaas oo uu shahaadada PhD taariikhda ah u qaatay.
Buuggii uu ku qallin-jebiyey oo luuqada Carabiga ku qoran waxa uu ku qoray ‘Xidhiidha Qarsoon ee ka dhaxeeya Nazism iyo Zionism; (The Secret Relationship Between Nazims and Zionism), waxaannu aad ugu cannaanayey in kooxdii Sahnuuniyadu (Zionist) ay iskaashi la sameeyeen Nazi, taasina ay keentay in la laayo hal milyan oo Yuhuuda oo Nasigu laayeen.
Haddaba, ninka sirtan fashiliyey oo dhintay 2004-kii waxa uu reer galbeedka u cararay 1991, isagoo wata dhukumanti badan oo qoraallo gacmeeed u badan oo ku jiray kaydka hay’addii sirdoonka Midawga Soofiyeet ee KGB. Mitrokhin waxa uu dhabarka ka jabiyey sirdoon badan oo aan hore loo aqoon.

Warbixintan, ayaa saraakiisha Falastiin sheegeen in ay tahay olole Yuhuudu amma Isra’iil ugu jirto si ay sharafta uga qadaan Madaxweyne Cabbaas, taasina ay tahay mid aanay caddayn u ahayn, mala-awaal iyo dhukumanti been abuur ahna ay ku faafinayaan adduunka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post