X
    Categories: Qubanaha

Maroodiga Qaaradda Afrika oo Hoos-u-dhacii ugu Weynaa ku Yimmi 25 Sanno Gudahood

Araweelo News Network

Qaaradda Afrika waxa soo waajahaya dhitaabooyin dhinaca ugaadha ah, gaar ahaan maroodiga oo 25kii sannadood ee u dambeeyey hoos-u-dhac weyn ku yimi, waxana meesha ka baxay ugu yaraan 111,000 (boqol, kow iyo toban kun) oo maroodi.
Sida lagu sheegay warbixin heerka maroodiga lagu caddeeyo uu ay soo saarto hay’adda la yidhaa IUC, waxa cilmi-baadhis laga sameeyey 37 dal oo Afrika ah, waxana ka soo baxday in ugaadhsiga maroodiga iyo ka ganacsiga foolkiisu ay keentay in khatar badan soo wajahday xayawaankan oo qaaraddu caan ku tahay.
“Tiradan dhabta ah ee meesha ka baxday waxa ay sheegaysaa khatarta maroodiga soo wajahday ee keentay inuu intiisii hore ka yaraado, kaasoo ah xayawaanka ugu fiican ee ugu ballaadhan naasnalayda waqtigan.” Sidaa waxa yidhi Agaasigamaha IUCN Mr. Inger Adersen, waxaannu intaas raaciyey, “Waa argagax, laakiin la yaab ma laha in foolka laga goosanayo uu keenay dhibaatadan. Warbixintani waxa ay iftiiminaysaa caddayn cilmi ku dhisan oo ah baahida loo qabo in lala dagaallamo ugaadhsiga maroodiga dadka wada. Sidaa darteed, dedaalladu meesha kama sarayaan in arrimahan sidooda loola tacaalo amma la yareeyo in ay xayawaankan la waayaba.”
Koonfurta qaaradda ayaa ah degaanka 70% maroodiga laga bariga Afrika 20% maroodiga ah ku nool yahay, sidoo kale badhtamaha iyo galbeedka waxa ku nool tirada ugu yar oo 3%.
Bariga Afrika waa halka ugu daran ee 60% hoos-u-dhacu ku yimi maroodiga, gaar ahaan dalalka Tansaaniya, Uganda, Rwanda iyo Kenya. Badhtamaha iyo galbeedka qaaradda waa halka ugu badan ee ka ganacsiga fool maroodiga sharci-darrada ah ka jirto, balse Koonfurta Afrika saamayntu aad bay ugu yar tahay.
Sida warbixintu tibaaxday waxa la qabanayaa kulankii 17aad oo lagaga xaajoonayo arrintan, kana dhici doona magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Guud ahaan waxa lagu qiyaasa maroodiga qaaradda Afrika ku nool afar boqol, shan iyo toban kun (415,000) maroodi, inkastoo ay jiraan meelo badan oo aan xogtooda la hayn.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post