X

Markab Xamuul Ah Oo Ku Gubtay Xeebaha Holland Xilli Uu Kusii Jeeday Masar

Markabka oo lagu magcaabo Fremantle Highway oo ku gubtay Xeebaha Holland 26 July 2023, Image Araweelo News

#Araweelo_News_Network.

Amsterdam(ANN)- Dab ayaa qabsaday markab xamuul ah, kaas oo sababay ugu yaraan dhimashada hal qof oo ka mid ahaa shaqaalihii la socday, iyadoo dabku sababay in dhowr kalena ay ku dhaawacmeen, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen ilaalada xeebaha Holland Arbacadii.

 

Saraakiishu waxay sheegeen in markabka oo loo malaynayo in uu khatar weyn ku yahay deegaanka haddii uu deggo uu weli gubanayo, iyadoo gubashadiisu qaadan karto maalmo.

Markabka oo lagu magcaabo Fremantle Highway ayaa ka diiwaan gashan dalka Panama, wuxuuna siday shixnad baabuur gaashaysa 2,857 baabuur oo sida lagu sheegay bayaanka uu kasoo qaaday Dekedda Bremerhaven ee dalka Jarmalka, iyadoo dabku qabsaday isagoo usii jeeda magaalada Port Siciid ee dalka Masar.

 

Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan 7 ka mid ah shaqaalihii saarnaa markabka ay ka boodeen markii masiibadu dhacday, waxaana laga soo badbaadiyay biyaha, halka inta kalena lagu qaaday diyaarad Helikobtar ah, sida ay saraakiishu sheegeen.

Mid ka mid ah 25 baabuur oo koronto ah oo saarneyd ayaa dab qabsaday, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda Holland ee (NOS), iyadoo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha.

 

Markabka ayaa weli gubanaya meel 27 nautical miles (50 kiiloomitir) waqooyi ka xigta jasiiradda Ameland ee dalka Holland  oo ku taal meel u dhow goob weyn oo ka mid ah deegaanka u diiwaangashan UNESCO.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post