X
    Categories: Qubanaha

Maraykanka oo Shaaciyey Shuruudaha ay Kim Jong Un, Noloshiisa Ku Dayn Karaan

Araweelo News Network

Wargayska Daily Star ee Dalka Maraykanka ayaa si weyn ugu dhabbo galay xiisadda cirka isku sii shareeraysa ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Kuuriyada waqooyi, xilli ay labada dhinac is dhaafsadeen hanjabaado waaweyn oo keeni karayey dagaalweyne sadexaad oo dunida ku yimaadda, waxana Wargaysku sheegay in shuruudihii u horeeyey ee maraykanku soo jeediyey ay gaadheen Madaxweynaha K/Waqooyi Kim Jong Un.

Wargaysku waxa uu leeyahay labada wadan waxay kala taagan yihiin labo mowqif oo kala fog taasoo dunida u horseedi karta dhibaato amni oo aanay cidina mahadin doonin, iyadoo Maraykanku ay u bandhigeen Hogaamiyaha Kuuriya in ay ka dalbanayaan in uu ka takhaluso hubkiisa Nuclier-ka, taa bedelkeedana aanay marnaba weerar ku qaadi doonin dalkiisa, farogelina ku samaynayn xukunkiisa.

Diblumaasiyiin Gobolkaa ku sugani waxay ku adkaysanayaan in Shuruudaha maraykanka ay ka mid yihiin :

In Kuuriyada Waqooyi baabi’iso Quwadeeda Nuclier-ka.
In Madaxweyne Kim Jong Un uu Sii ahaado Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi.
In Ciidamada Maraykanku ka baxaan Kuuriyada Koonfureed iyo saldhigyadooda kale ee Gobolkaa.
in Labada Kuuriya ay sii ahaadaan labo wadan oo kala madax banaan.

Sida la ogyahay Dalka shiinaha ayaa mudooyinkii u dambeeyey u kala dab qaadayey labada dhinac, Maraykanka iyo W/Kuuriya, iyadoo Kim Jong Un ay ku adag tahay inuu aamino ballanqaadada Maraykanka, gaar ahaan kuwa uu go’aankeeda wax ku leeyahay wasiirka Arimaha Dibada ee Maraykanka Rex Tilerson oo la aaminsan yahay inuu yahay ninka ku ad-adag in weerar lagu qaado Kuuriyada waqooyi.

Hussein Kurdi

xogtadunida.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post