X
    Categories: Qubanaha

Maraykanka Oo Qaadacday Shirka Arrimaha Somalia kadib Markii Madaxweyne Xasan Sheekh Ka Dhega-adaygay In La joojiyo Khilaafka

Washingiton(ANN)Dawlada Maraykanka, ayaa gebi ahaanba qaadacday ka qaygalka shirka Arrimaha Somalia ee lagaga hadlayo arrimaha Somalia, kaas oo la filayo inuu todobaadka soo socda ka dhaco magaalada Copenhagen ee Caasimada dalka Denmark.
Washington waxay sheegtay in khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaarihiisa Cabdiweli Sheekh Axmed uu bilaabmay 25 Sep, 2014. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin khilaafka u dhaxeeya madaxda Somalia.

Dawlada Maraykanku waxay ka digtay in Mooshinkaa la horgeeyo Baarlamaanka, waxayna ku tilmaameen mid aanay ku jirin danta mustaqbalka Somalia, isla markaana guuldaro ku ah rajadii iyo yididiiladii mustaqbalka Somalia.

Mareykanka waxay sheegeen in ay dhexdhexaad ka yihiin khilaafka u dhaxeeya madaxa ugu sareysa Somalia ee Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, isla markaana ay ka go’antahay Maraykanka hirgelinta qorshaha hiigsiga Cusub oo ujeediisa tahay dhismaha amaanka, mideynta, Dimuqraadiyada iyo dowlad Federaal ah.

Sidaa awgeed loo baahanyahay in xal laga gaadho khilaafka oo ay wanaagsan tahay in madaxda dalka ay dhameeyeen khilaafka dhexdooda, loona baahan in laga shaqeeyo danta ummada Soomaaliyeed.
Dawlada Maraykanku waxay sheegeen in aanay ergay u dirayn shirka la filayo in lagu qabto Dalka Denmark maalmaha soo socda, kaas oo lagaga hadlayo arrimaha Somalia, waxayna qaadacaada shirkaa la xidhiidhiyeen, kadib markii laga dhega adaygay tallooyinka ay ka bixiyeen khilaafka madaxda Somalia oo meel xaasasi ah maraya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post