X
    Categories: Qubanaha

Maraykanka Oo Ku Mashquulay Sababta Kooxaha Islaamiyiintu U Adeegsadaan Baabuurta TOYOTA Baadhitan Su’aalo Lagu Weydiiyay Shirkadda

Washington(ANN)Dawladda Maraykanka ayaa su’aalo ka weydiisay shirkadda TOYOTA sida ay kooxda argagaxisadda ah ee Daacish (ISIS), ku heshay Baabuurteeda nooca Land-cruiserada Hilux loo yaqaan, kuwaas kooxaha argagixisadu u adeegsadaan dagaalada ay ku jiraan, isla markaana indhaha reer galbeedka ay soo jiiteen markii dhowaan kooxda Daacish ee dawlada Isalaamiga ah soo badhigeen gaadiid boqolaal nocaa ah oo ay dhoolatus ku samaynayeen.

Muuqaalo fiidyaw ah oo ay kusoo bandhigayeen kooxda Dawlada Islaamiga ah ee ISIS, dhoola-tus ay ka sameeyaan dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Liibiya, ayaa lagu arkay daadkii ay samayso shirkada Japan ee TOYOTA Hilux, kuwaas oo ay kooxdaa iyo kooxaha kale ee Aragixisadu u adeegsadaan dagaalada.

Telefishanka ABC ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in shirkadda TOYOTA ay sheegtay in aanay ka warhayn arrintaa, waxaana taa bedelkeeda soo dhawaysay baadhitaanadda ay samaynayso Wasaaradda Maaliyadda Maraykanku, gaar ahaan waaxda u qaabilsan arrimaha la dagaalanka iyo dabagalka argagaxisadda, taas oo loo abuuray sidii looga ilaalin lahaa in qalabka iyo waxyaabaha agabka ay soo saaraan waddamadda reer galbeedku aanay u gaadhin, ama u gelin gacanta Daacish iyo ururadda kale ee argagaxisadda ah.
Baadhitaanka natiijadan, ayaa weli la sugayaa inay kooxda baadhaysaa soo saaran warbixin.
Warbixin laga qoray arrintaa dhawr sanadood ka hor halkan la akhriso.
Why TOYOTA Hilux Advertises terrorism Stimulation Pictures?

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post