X
    Categories: Qubanaha

Maraykanka: Madaxweyneyaal Dabeecado Gaar ah Kaga Guulaysan Jiray Mucaaridkooda

Araweelo News Network
Qormada 3aad

James Garfield

5. Madaxweyne James Garfield waxa uu awood u lahaa inuu laba luuqadood mar kaliya wax ku qoro

Madaxweyne James Garfield oo ka mid ah madaxweynayaasha Maraykanka soo maray, kana mid ah madaxweynayaasha shirqoolka lagu dilay, muqaal ahaana lagu sheego inuu ahaa nin indho fool xun lahaa oo aad u dabeecad adkaa, balse waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa raggii ugu cajiibsana maskax ahaan ee ka taliya dalka Maraykanka. Maskax ahaan wuxuu ahaa nin aad u maskax badan, waxaannu naftiisa bari jiray aqoon aan dadka kale inta badan awood u lahayn barashadeeda.
Qayb noloshiisa ka mid ah waxa uu ku soo qaatay macallin jaamacadeed oo wuxuu ardayda bari jiray suugaanta iyo luuqada qalaad.
Waxa uu caado u lahaa inuu gacanta midig ku qoro luuqad ka mid ah latiinka, ta bidixna luuqad kale, isagoo waxa uu qoraya isku mid yihiin, taasina ay ahayd waxyaabaha cajiibka ah ee uu hibbada u lahaa.


6. Madaxweyne Lincoln oo Khudbad 13,000 kelmadooda laba daqiiqo ku dhammeeyey

Madaxweyne Lincoln oo ka mid ah madaxweynayaasha Maraykanka soo maray kuga loogu jecel yahay, ayaa waxyaabaha mucjisada leh ee dadkiisu ku xasuustaan waxa ka mid ahaa inuu si deg deg ah ugu khudbadayn jiray oo khudbad saacado qaadan lahayd muddo yar ku dhammayn jiray. Tusaale , khudbad uu waqtigii uu Madaxweyna ahaa jeediyey oo ka koobnayd 13,000 kelmadood ayuu ku dhammaystiray laba daqiiqo oo kaliya, taasoo waliba ka mid noqotay khudbada ugu qaalisan kuwa la bixiyey. Khudbadan oo la yidhaa Gettysburg Address.
Khubarada khudbadan u diyaarinaysay waxa ay diyaarinteedu ku qaadatay maalmo, halka madaxweynayaal badan oo adduunka ahna in ay khudbada intaas leeg dhammeeyaan ku qaadatay saacado, waana hibbo gaar ah oo uu lahaa ka gaadhsiinta hadalka iyadoo waliba dadku si fiican u fahmeen..La soco…

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post