X
    Categories: Qubanaha

Maraykanka: Dhakhtar La Saadaalinayo Inuu Noqdo Maayarkii Ugu Horreeyey Ee Muslim Ah Gobol Maraykanka Ka Tirsan

Araweelo News Network

Dr. Abdul El-Sayed

Dhakhtar asal ahaan u dhashay dalka Masar, isla markaana haysta dhalashada Maraykanka, ayaa loo saadaalinayaa inuu noqdo badhasaabkii ugu horreeyey Muslim ah ee dalka Maraykanka ka taliya, isagoo u tartamaya xilka guddoomiyenimada Gobolka Michigan.
Dr. Abdul El-Sayed waxa uu ku dhashay, kuna barbaaray Michigan, gaar ahaan waxa uu qaxootinimo kaga tegay dalka Masar si uu fursad waxbarasho iyo nololeed uga helo Maraykanka.
Waxa uu deeq waxbarasho ka helay Jaamacadda Oxford University, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee caafimaadka Jaamacadda Columbia University. Waxa uu noqday qofka ugu da’da yar ee aqoonta caafimaadka kaga shaqeeya magaalo weyn oo Maraykanka ah markii da’diisu ahayd 30 jirka, waxaannu masuul ka ahaa caafimaadka iyo badbaadada 70,000 qof.
Dr. Sayed waxa uu diyaariyey barnaamij waxbarasho tayo sarraysa lagu siinayo ubadka magaaladiisa, iyadoo carruurta araggoodu diciifka yihiinna lagu caawinayo muraayadaha aragga, halka kuwa xannuunka xiiqda (asthma) qabana daawo iyo adeeg caafimaad loo fidiyo.
Hadda oo uu u nool yahay degaanka Detroit ee Gobolka Michigan wuxuu donayaa inuu noqdo maayir, isagoo xaaskiisa oo dhakhtar dhimirka ahna ay ololaha ugu jirto in saygeedu guulaysto.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post