X
    Categories: Qubanaha

“Mararka qaarkood wax yar oo aad qabato ayaa waxtar weyn yeelan kara” ALNuuR Furniture

Hargeysa (ANN)Shirkadda ugu weyn dalka ee ka ganacsata agabka Guryaha iyo qalabka Xafiisyada ee ALNuuR Furniture ayaa ka hadashay doorka ay ku leedahay shaqo abuurka dhallinyarada dalka.

“Mararka qaarkood wax yar oo aad qabato ayaa waxtar weyn yeelan kara” Sidaa waxa lagu muujiyay war-saxaafadeed uu soo saaray madaxa suuqgaynta ee Shirkadda ALNuuR Mr. Cabdiqani Maxamed Xuseen, waxyar kadib gunaanadkii Carwada Shaqo-abuurka Somaliland oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiran, ayaa u dhignaa sidan sidan:-

“ALNuuR Furniture waa shirkad weyn oo safka hore kaga jirta shaqo-abuurka dhallinyarada Somaliland, isla markaana si toos ah iyo dadbanba bulshada wax u tarta.

Tusaale ahaan, 70% dadkeennu waxay ku tiirsan yihiin xoolaha nool oo ay ka shaqeeyaan.

Mararka qaarkood wax yar oo aad qabato ayaa waxtar weyn yeelan kara, nolosha dadkana wax weyn ka beddeli kara.

Carwooyin hore oo ganacsi oo la qabtay waxaannu ka galnay kaalinta kowaad, tanna waxaannu ku leennahay door weyn oo muuqda, maadaama oo laga hadlayo maslaxadda guud ee Bulshada iyo gaar ahaan Dhallinyarada.

Waxa kale oo aannu kaalinta kowaad kaga jirnaa olalaha badbaadinta Deegaanka oo isagu halis ugu jira inuu u baaba’o masiibo ka timid gacanta aadamaha. Waxaannu ku faraxsannahay inaannu mar walba kaalin hormuud ah oo ku dayasho leh ugu jirno bulshada iyo ganacsiga dalka. Waxa xusid mudan inaannu nahay shirkaddii kowaad ee dhaqangalisa digreetadii madaxweynaha ee dalka lagaga mamnuucayay bacaha oo deegaanka waxyeello badan u geysta.

Dhammaan bulshada waxaannu ugu baaqaynaa in aynnu gacmaha isku qabsanno ilaalinta iyo badbaadinta deegaankeenna, isla markaana aynnu ka fogaanno wax kasta oo waxyeello u gaysan kara, sida; isticmaalka bacaha.
Shirkadda ALNuuR Furniture waa shirkad deegaanka la saaxiib ah (eco-friendly), agabka ay ka ganacsataana waa mid deegaanka la saaxiib ah.

Ugu dambayntii, waxaannu hambalyo u diraynaa guud ahaan macaamiisha shirkadda ALNuuR Furniture, meel kasta oo ay joogaanna waxaannu leennahay Ramadaan Kariim. Ilaahay sannadkan sannadkiisa ha innagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suubban iyo nabadgalyo. Kulli caam wa antum bikhayr.”

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post