Araweelo News Network

Dad tiradoodu tahay 8,000 (sideed kun) oo qof ayaa laga daad-gureeyey guryahooda, dukaamo iyo xafiisyo ku yaal magaalada Dusseldorf oo ku taal galbeedka dalka Jarmalka, kadib markii laga helay bambo ka mid ah bambooyinkii dagaalkii labaad ee adduunka la isku isticmaali jiray oo aan weli qarxin.

Bombadan oo 250 kilogram ah ayaa la helay dhawaan waqti fiidnimo, kadib markii shaqaale dhismo ah oo ka shaqaynayey waqooyiga magaaladan ay ka war heleen, waxaana la xidhay hal kilomitir oo magaalada ah, halka la joojiyey isu socodka waddooyin badan oo kuwo tareenno ku jiraan, waxaana madaarada diyaaradaha loo diray digniin arrintan ku saabsan.

Sidoo kale, waxa si degdeg ah dadkii looga guray hudheel 250 qof oo marti ah ku sugnaayeen, waxaana dadkaas goobta laga fogeeyey ilaa inta khubarada bambooyinku ay bambadaas meesha ka saarayeen, iyadoo arrintaasina abuurtay cabsi xoogan.

Muddo 70 sannadood ka badan oo haatan laga joogo dagaalkii labaad ee Adduunka, waxa waqti kasta la helayey bambo ku aasan ciidda Jarmalka oo ah kuwa khatar ah oo ay ka tageen dawladdii Nazi ee Jarmalka.

Dawladda Jarmalku waxa ay ku qiyaastay in 3,000 bambo oo aan qarxin in laga helay dhulka magaalada caasimadda ah ee Berlin oo kaliya, halka sannadkii u dambeeyeyna 54,000 qof laga daad-gureeyey Koonfurta Jarmalka, gaar ahaan magaalada Augburg, kadib markii la helay bamboo 1.8 tan ah oo dagaalkii labaad ee adduunka lagaga tegay.