X
    Categories: Qubanaha

Madaxweyneyaasha Maraykanku Wadooyinkii Ay usoo Mareen Guulaha ay Gaadheen

Araweelo News Network


Dariiqyada loo maro guushu waa mid aad u kala geddisan oo qof kastaaba si goonni ah ugu guulaysto inuu gaadho hammiyo uu maanka ku hayey. Dadka qaar waxa ay ku dhashaan nolol barwaaqo iyo awood badan, halka kuwo kalena ka soo bilaabeen gunta oo ay ilaa kor u kacaan.
Haddaba, Madaxweynayaasha Maraykanka ayaa ka mid ah kuwa arrimahan ka tujrumaya, inagoo qormadeenan ku soo qaadan doona shaqooyin ay soo qabteen 15 nin ka hor intii aanay madaxweynayaasha noqon iyo waxyaabaha cajiibka ah ee guulahaas u horseeday.
Waxa hubaal ah in qaar badan aad la yaabi doonto nolosha ay soo mareen iyo shaqooyinka ay soo qabteen;
Madaxweynihii ugu horreeyey Maraykanka George Washinton wuxuu shaqada ku bilaabay joomitir

George Washington oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maraykanku yeeshay, markii uu 16 jir ahaa, waxa shaqadiisii ugu horraysay siiyey nin la odhan jirya Lord Thomas Fairfax, isagoo laga dhigay inuu noqdo joomitir ka shaqeeya dooxada Shanandoah oo marta Virginia iyo galbeedka Virgina, sida lagu daabacay mareegta Kenmore.org oo Jamhuuriya soo xigtay.
Waxa uu cabbiri jiray dhulka, hawada iyo biyaha, waxaannu sharaxaad ka bixin jiray sida ay noqonayso iyo sharciyan in loo diiwaangeliyo dadka. Sannadkii ku xigay ee uu 17 gaadhay waxa uu loo magacaabay joomitarka rasmiga ah ee magaalada Culpeper County. Markii uu 21 gaadhayna waxa uu yeeshay dhul aad u badan oo hantidiisa noqotay, wixii intaa ka dambeeyey waxa uu noqday mulkiile isaga loo shaqeeyo oo hantiile ah, halkaasna ay uga bilaabaytay safarkiisii uu ku doonayey hoggaaminta dalka Maraykanka.
Madaxweyne John Adams wuxuu ahaa maamule dugsi:

Markii John Adams uu ka qallin-jebiyey waxbarashadiisa oo ay mar kala baxeen 24 arday oo kale, waxa uu maamule dugsi ka noqday degaanka Worcester ee magaalada Massachusetts ee dalka Maraykanka, sida lagu xusay taariikh nololeedka Madaxweynaha 2aad ee Maraykanka oo ay lagu daabacay mareegtay Jaamacadda University of Groningen.
Shaqadaas uu hayey waxay ahayd mid uu aaminsanaa in aanay u qalmin, waxaannu mar walba ku jiray raadin meel u door dhaanta shaqadiisa uu waqtigaas hayey, sida lagu xusay jariiradii caanka ahayd uu u iska lahaa. Si uu akhriska iyo qoraalka oo uu aad u jeclaa isaga wato waxa fasalka hoggaamin jiray ardayga ugu maskaxda badan ee uu is yidhaa wuu ka soo bixi karaa shaqadaas… La soco…
xigasho Jamhuuriya.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post