X

Madaxweyne Trump Oo Qaaday Tallaabooyin Aargoosi Amni Oo Saamaynaya Xasaannada Haweenaydii La Tartantay Iyo Siyaasiyiin Caan Ah

Joe Biden and Kamala Harris President and Vice President 2020.

 Kamala Harris, Hillary Clinton, Siyaasiyiin Xildhibaano Iyo Garsoorayaal Ayaa Go’aanka Cusub Ee Trump Kaga Mamnuucayaa Xuquuqaad  Iyo Xasaannad

Araweelo_News_Network

Washington (ANN)- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo tan iyo markii uu xilka la wareegay horaantii sannadkan, wuxuu sii wadaa awaamiir ay ka dhasheen doodo iyo hadal hayn baddan oo si weyn loo qaadaa dhigayo warbaahinta Maraykanka ee guddaha iyo kuwa caalamiga ah.

Go’aamada Madaxweynuhu qaatay ayaa saamayn ku yeeshay malaayiin marti ugu ahaa Maraykanka in la qaabilo oo raadinayay nolol, kuwaas oo ka kala yimi qaaraddaha aduunka, balse Madaxweyne Trump markii uu soo saaray sharci dalka laggaga saarayo la masaafuriyay, isagoo soo saaray maalmihii u horeeyay ee xafiiska go’aamo xataa saamayn ku yeeshay dunida kale iyo kuwo si gaar ah u saameeyay dalal gaar ah, ama gobollo, isla matkaana wax ka beddelaya siyaasadda Maraykanka ee ku waajahnayd dunida kale.

Sidoo kale, Madaxweyne Trump ayaa todobaadkii hore saxeexay in dalka laga mamnuuco dadka ka imanaya dhawr iyo afartan dal oo la geliyay calaamado kala duwan, isagoo maalmihii u danbeeyay todobaadkan meesha ka saaray waaxda Hay’adda waxbarashada, iyadoo sharciganu gebi ahaan mamnuucay Manhajka waxbarashadda ee lagu daray waxyaabaha loo arkayay in aannay waafaqsanayn dhaqanka iyo Diimaha oo lagu daray xiisaddaha lagu dhigo Dugsiyada iyo goobbbaha waxbarashadda ee Maraykanka, taas oo la mid ah sharcigii ugu horeeyay ee Madaxweynuhu saxeexay ee ahaa in aannay Maraykanka ka jiray wax aan ahayn jinsiga Labka iyo dhidiga oo aannu jirin wax u dhexeeya oo ka shaqaynaya dalka Maraykanka, ama laga ogolyahay.

 

Go’aamada iyo shuruucda kale ee Madaxweyne Trump qaatay waxa ugu danbeeyay inuu saxeexay tallaabooyin dhinaca sharciga ah oo si badheedh ah  looggala noqonayo sharciyo dhanka amniga ah oo uu horey u siiyey musharaxiintii Dimoqraadiga kula tartamayay doorashada, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee ah Haweenayda doorashada kula tartantay ee Kamala Harris iyo Hillary Clinton, oo ah haweenay caan ku ah oo Afada Madaxweynihii hore ee Cilnton.

Sidoo kale tiro kale oo saraakiil hore iyo kuwo dhaliilsan Madaxweyne Trump ayaa sharciga kala noqoshada amniga saamayay, ama saamaynayaa, iyadoo siyaasiga caanka ah AmbJohn Bolton Kaaliyihii hore ee Madaxweynaha Arrimaha Amniga Qaranka (NSA), kaas oo mudda dheer kusoo noq-noqday La taliyaha Amniga Qaranka, isla markaana ka tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga, xilkii ugu danbeeyay ee uu qaranka u qabtayna ahaa Ergayga Qaramada Midoobay u jooga Maraykanka xilligii hore ee Madaxweyne Trump, wallow uu xilkaa iska casilay ka hor intii aannu dhammaan mudda xileedkii hore ee Madaxweyne Trump.

 

Amb John Bolton Kaaliyihii hore ee Madaxweynaha Arrimaha Amniga Qaranka (NSA) ayaa dhalliilo baddan u jeediyay markii uu Madaxweyne Trump kusoo laabtay xukunka ee ku guulastay doorashadii kal hore ee November 2024. wuxuu dhowaan ka hadlay qorshaha Madaxweyne Trump ee ku waajahan Ukraine, isagoo waraysi uu xibiyay Amb. Bolton ku sheegay in Madaxweynaha Ruushka Putin uu og yahay in Trump, isagoo ugaadhsi ugu jiro sidii uu heshiis degdeg ah u dhex dhigi lahaa Ruushka iyo Ukrain si uu u helo abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize. “Kremlin-ka ayaa shaki la’aan u isticmaali doona tan faa’iidada gorgortanka iyo wadahadalka.” ayuu yidhi. wuxuuna tilmaamay in ay taasi ceeb iyo taariikh xun ku tahay Siyaasadda Maraykanka iyo taariikhda dunida ee Dawladda Maraykanka.

Trump wuxuu sheegay bishii February inuu kala noqonayo ogolaanshaha amniga ee madaxweynihii isaga ka horreeyay Joe Biden. Amarka uu soo saaray ayaa xaqiijiyay go’aankaas, isaga oo intaa ku daray in uu sidoo kale kala noqonayo caddaynta amniga “xubin kasta oo kale” ee qoyska Biden ka tirsan.

“Waxaan go’aansaday in aannaydanta qaranka ku jirin in shaqsiyaadkan hoos ku qoran ay helaan macluumaadka sirta ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka Trump.

Madaxwaynayaashii hore ee Maraykanka iyo saraakiisha ugu saraysa amaanka ayaa inta baddan si xushmad leh u ilaashanaya cadayntooda amni, taas oo sharigu hore u dammaanad qaaday.  laakiin Madaxweyne Trump ayaa ku amray hoggaamiyayaasha waaxaha iyo wakaaladdaha in ay “kala noqdaan gelitaanka aan la ilaalinayn ee xarumaha dawladda Maraykanka ee sugidda ammaanka shakhsiyaadkan.” sida lagu sheegay qoraalka amarka sharcigan cusub.

“Tallaabadan waxa ka mid ah, balse aan ku koobnayn, helitaanka xog-waraysiyo sir ah, sida warbixin koobban oo maalinle ah oo Madaxweynaha, iyo in la helo xog sir ah oo uu hayo xubin kasta oo ka mid ah bulshada sirdoonku iyadoo loo eegayo shakhsiyaadka la magacaabay ee ay hore uga soo qabteen Shirweynaha,” ayaa lagu yidhi amarka.

Tirooyinka dhowr ah ee la magacaabay, ayaa lagu macneeyay kuwa yeelan doontaa saamayn astaan ​​baddan leh oo dooddo ka abuurtay guddaha Maraykanka, waxaana laga yaabaa inay xaddiddo agabka ay awoodaan innay dib u eegaan, ama xaddidaan gelitaanka dhismayaasha dawladda qaarkood ama tasnsiilaadka sugan.

Shaqsiyaadkan, waxaa sidoo kale, ka mid ah Qareenada iyo dacwad-oogayaasha uu magacaabay Trump, waxaanalaga yaabaa innay wajahaan jidgooyo dhanka gelitaanka ama dib u eegista macluumaadka kiisaskooda ama macaamiishooda.

Tallaabooyinka kala noqoshada amniga ee Madaxweyne Trump waxay diiradda saaraysaa saraakiisha ugu sareysa maamulkii hore ee Madaxweynihii uu xilka kala wareegay ee Biden, iyo sidoo kale kuwa inta baddan dhaleecayn siyaasadeed kala hor yimi oo dhamamantood ah siyaasiyiin  caan ah iyo qareeno ka hor yimi Trump ama xulafadiisa maxkamadda xilligii dacwaddaha lagu ooggayay.

Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee Biden Antony Blinken, lataliyaha amniga qaranka Jake Sullivan, iyo ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud haweenayda lagu magcaabo Lisa Monaco ayaa dhamaantood lumiyay ogolaanshahooda amniga.

Lisa Monaco ayaa ahayd ku xigeenka 39-aad ee xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka 2021 ilaa 2025. iyo  sidoo kale xubin ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga. waxayna haweenaydan hore u soo noqotay la taliyaha amniga gudaha xilligii Madaxweyne Barack Obama intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2017.

 

Trump ayaa sidoo kale bartilmaameedsaday laba ka mid ah saraakiishiisii ​​hore ee xilligiisii ​​ugu horreeyay, kuwaas oo kala ah  Fiona Hill iyo Alexander Vindman, waxayna labadoodu ahaayeen kuwo markhaatiga ku furay intii lagu guda jiray dacwadii ugu horreysay ee xil ka qaadista oo bilaabantay 2019.

Trump waxa kale oo uu laalay gelitaanka dadka caanka ah ee xisbiga Jamhuuriga, kuwaas oo kala ah siyaasiyiinta Wakiilkii hore ee Liz Cheney iyo Adam Kinzinger waxayna ahaayeen labada xildhibaan ee keliya ee Jamhuuriga ah ee ku biiray baadhitaanka Aqalka Maraykanka ee ku saabsan doorkii Trump ee weerarkii 6-dii Janaayo 2021 ee Congress-ka.

Labaduba waxay sidoo kale u coddeeyeen in Trump lagu soo oogo xil ka qaadistiisii ​​labaad, taas oo aqalka Congress-ka ee Dimuqraadigu hoggaaminayay ay kiciyeen rabshadihii dhacay. laakiin Trump ayaa aqalka senate-ka waxa uu ku waayay danbi ah iyo in uu kiciyay rabshadihii 6-dii January.

Trump ayaa sidoo kale go’aankiisii ​​ugu dambeeyay ee ku saabsan gelitaanka ammaanka ku tilmaamay dadka ugu sarreeya dhanka sharciga. Amarka uu soo saaray ayaa laalay ogolaanshaha xeer ilaaliyaha guud ee New York Letitia James, taasoo keentay dacwado baddan oo ka dhan ah Trump iyo ganacsigiisa.

Dacwadda khiyaanada madaniga ah ee la soo gebagebeeyey 2024-kii, garsoore ayaa ku helay Trump in uu ku kacayo boqollaal milyan oo doolar oo ganaax ah. Trump ayaa racfaan ka qaadanaya go’aanka. laakiin Qareenka degmada Manhattan Alvin Bragg,  oo dacweeyay oo ku guulaystay dacwad ciqaabeedka Trump ee lacagta sannadkii hore, ayaa sidoo kale lumiyay caddayntiisa, isagoo kusoo baxay liiska amarka ee mamnuucaya innay helaan amni iyo weliba innay waayaan awooddo sharcigu u oggolaanayay.

Dhammaan tallaabooyinka Madaxweyne Trump ayaa ahaa kuwo aannu marnaba qarsanayn intii uu ku jiray kaanbaynka, isagoo si dhab ah u dhaqan geliyay go’aamo uu sheegay inuu qaadi doono marka uu kusoo laabto kursiga.

Faallo ka hadlaysay Qorshayaasha Trump iyo Tallaabooyinka Khatarta Ee Mustaqbalkiisa Siyaasadda oo Ataweelo_News_Network, daabacday 1st January 2025, halkan ka akhri: “Trump Ma Ka Badbaadi Doonaa Jidkii John F. Kennedy Maxayse Iska Shabahaan Labada Madaxweyne?”

.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post