X
    Categories: Qubanaha

Madaxweyne Rajaynaya inuu Guddoomiye Degmo Noqdo Marka uu Xukunka ka Dego

Araweelo News Network

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Mr. Jacop Zuma, ayaa rajaynaya inuu noqdo guddoomiyaha magaalada uu ku dhashay ee Nkanda, kadib marka uu xilka madaxweynenimada ka tago.
Sida lagu baahiyey warbaahinta News24, waxa uu u tartami doonaa inuu noqdo guddoomiye degaan, kadibna maayirka magaalada Nkandala. Madaxweyne Zuma waxa uu sidaa sheegay waqti uu khudbad ka jeedinayey aas loo sameeyey sarkaal amma halyey xorriyadda Koonfur Afrika u dagaallamay oo la yidhaa Rito Mhwanazi oo ay ku wada xidhnaayeen jasiiradda Robben Island sannadkii 1964kii. Zuma iyo Mkwanazi waxa ay xabsiga jasiiraddaas ku jireen 10 sannadood.
“Waxa aan leeyahay dadkayga marka aan halwgabka noqdo waxaan doonayaa inaan Golaha Degaanka u tartamo, dadkuna way igu qoslaan markaan sidaa idhaahdo,” ayuu yidhi Madaxweyne Jacob oo 83 jir ah.
Mar uu ka hadlayey saaxiibkii Mkwanazi waxa uu intaa ku daray, “Waxa aan ku nasannaa mid ka mid ah dhaqdhaqaaqyadii aan samaynay. Waxa uu ka mid ahaa jiilashadii innaga baxay, waayo da’du qof kasta oo innaga mid ah way qabanaysaa, waxay inoo keeneen xorriyad. Waxa ay ina siiyeen hab-nololeed wanaagsan.”

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post