X
    Categories: Qubanaha

Madaxweyne John F. Kennedy waxa uu dadka ku sixri jiray salaanta gacan-qaadka ah

Araweelo News Network

John F. Kennedy oo ahaa madaxweyne soo maray taariikhda Maraykanka, Isla markaana ahaa Madaxweynihii loogu jeclaa waxa aad loogu eedeeya inuu ahaa nin tumasho badnaa oo aad u jeclaa dumarka, maadaama uu ahaa nin soo jiidasho badan, waxaannu aad ugu caan ahaa inuu saamayn ku yeesho dadka dunida ugu saamaynta fiican.
Tusaale ahaan, Madaxweyne Kennedy waxa xogo badan iyo daraasado lagu sameeyey sheegeen inuu aad u yaqaanay cilmiga salaanta gacan-qaadka ah (The art of Shaking hands), taasina ay keeni jirtay inuu xidhiidh fiican oo dhaw la yeesho qof kastoo uu gacan qaado.
Waxa uu caan ku ahaa inuu dadka u gacan qaado hab qurux iyo diiranaan kalgacal ka muuqdo leh, gaar ahaan waqtiyada uu la kulmo dadka uu doonayo inuu soo jiito. Waxa ay ugu yeedheen inuu lahaa gacan cajiib ah ama salaan gacan-qaad ah oo sixir ah.
Sidoo kale, Madaxweyne John F. Kennedy marka uu dadka la hadlayo waxa uu awood u lahaa in shacabka uu u khudbadaynayo sacabkoodu kala joogsan waayo, isaguna uu dhoola caddayn ku qaabilo inta badan. Xilliyada warraysiyadana waxa uu awood u lahaa in aanu wax cadho ah muujin, taasina waxay keentay inuu qof kasta ku qanciyo, kuna saameeyo habka uu u fikirayo, xataa haddii aanay dadku ogolayn inta uu la joogo waxa ay ka mid ahaayeen dadka u sacabiya oo aad moodayso inuu sixray.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post