Araweelo News Network

qadarintajacaylkaMadaxweynaha dalka Turkiga Mr. Recept Tayyip Erdogan, ayaa ka qaybqaatay guurka lammaane is-calmaday, kadib markii uu barnaamijka muuqaal ahaanta lagu wadahadlo ee Face time kala hadlay aabbaha dhalay haweenayda ku guulaysatay quruxda waddanka Morooko si uu u oggolaado inuu gabadha uu dhalay siiyo, una guuriyo wiil lagu magacaabo Murat Yildirin oo hore u ahaa jilaa caan ka ah dalkaas.
Sida uu daabacay wargeyka Haber Turk oo Jamhuuriya soo xigtay Isniintii toddobaadkan, ninkan guur-doonka ah ee Yildirim waxa uu caan ka ahaa dalalka Carabta, waxaannu ahaa jilaa filimada Turkiga u jila, kaasoo Madaxweyne Erdogan ka dalbaday inuu u doono haweenay la yidhaa Iman al-Bani oo sannadkii 2006 ku guulaysatay quruxda dalka Morooko (Morocco).
Jilaa Yildirim waxa uu bogga uu Istagram ku leeyahay ku daabacay sawirro uu ku muujinayo arooskiisa iyo waliba gabadha uu jecelyahay ee uu guursaday, iyadoo ay ka dambeeyaan dad ku lebbisan dhar dhaqameedka ay xidhaan dadka degaankiisu illiyada arooska la yahay.
Ilaa hadda ma jiro war faahfaahsan oo tilmaamaya xilliga dhabta ah ee lammaanahan aqal-galayaan iyo waqtiga Madaxweyne Erdogan ka qaybgalayo, halka uu Yildirim sheegay in jacaylkoodu yahay mid xooggan oo keenay inuu soo jiito warbaahinta caalamka.