Araweelo News Network

Egyptian President Abdel-Fattah el-Sisi (Photo by AFP)

Egyptian President Abdel-Fattah el-Sisi (Photo by AFP)


Jariirada Forbes oo dhawaan soo saartay warbixinteeda sannadlaha ahayd ee qiimaynta shakhsiyaadka adduunka ugu awoodda badan (The World’s Most Powerful People) 2016 oo kaalinta koowaad siiyey Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, ayaa sidoo kale warbixintooda ku tilmaamay in Madaxweynaha Masar Mr. Abdel Fattah el Sisi uu yahay hoggaamiyaha ugu awoodda badan Qaaradda Afrika.
Liiska lagu taxay 74 qof ee ugu awoodda badan, waxa ku jira laba hoggaamiye oo Afrikaan ah oo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el Sisi uu kaga jiro kaalinta 44aad, taasoo ka dhigaysa inuu yahay ninka ugu awoodda badan Afrika, waxaana soo raaca ganacsade u dhashay dalka Nigeria (Nayjeeriya) oo ah qofka ugu taajirsan Afrika ah, kaasoo magaciisu yahay Aliko Dangote oo kaalinta 68aad kaga jira dadka ugu awoodda badan, taasina waxay ka dhigaysaa inuu yahay qofka labaad ee ugu awoodda badan Qaaradda Afrika.
Madaxweyne Abdel Fattah el Sisi oo 62 jir ah waxa uu qasab ku qabsaday Masar oo ah dalka ugu dadka badan Carabta. Waxa uu hore u ahaa Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidanka Millateriga. Waxa uu dalka qabsaday 2014-kii, markii uu doorasho dhacday ku guulaystay 97% codadka dalkaas laga codeeyey.

mraliko
Mr. Aliko Dangote oo ah ninka ugu taajirsan Afrika waa aasaasaha iyo guddoomiyaha shirkadda sibidhka ee Dangote Cement oo ah shirkadda ugu ballaadhan ee soo saarta sibidhka Qaaradda Afrika lagu isticmaalo inta u badan. Sannadkii 2015 waxa ay shirkadiisu xarumo ka samaysatay dalalka Kameroon (Cemoroon), Itoobiya, Sambiya (Zambia) iyo Tansaaniya. Waxa ay shirkadiisu soo saartaa 30 milyan oo metric ton sibidh ah sannad kasta, waxaanay qorshaynaysaa in ay labanlaabto xaddigaas 2018-ka.
Ganacsade Aliko waxa uu awood badan ku leeyahay ganacsiyo badan oo Afrika ka socda, waana sababta qiimayntan uu ku galay kaalinta labaad ee qofka ugu awoodda badan Afrika iyo waliba kaalinta 44aad ee adduunka dadka ugu awoodda badan.