Trump Ma Ka Badbaadi Doonaa Jidkii John F. Kennedy Maxayse Iska Shabahaan Labada Madaxweyne?
Wuxuu Si Cad U Bilaabay balanqaadkiisa iyo Inuu Meesha Ka Saaro Wuxuu Ugu Yeedhay Burburinta Aqalka Cad ee Xukuumaddii Biden
Qorshaha Siyaasadiisa ku Waajahan Geeska Afrika Iyo Aqoonsiga Somaliland Ee Xukuumadda Trump
#Araweelo_News_Network.
Washington (ANN)-Madaxweynaha xukunka kusoo laabtay oo noqonaya Madaxweynihii 45-47aad ee Maraykanka oo markii labaad kusoo laabtay xukunka, Donald Trump, isagoo xilligiisii labaad lagaga adkaaday doorashadii 2020, balse mar kale ku guulaystay doorashadii 2024, oo ahayd doorasho lagu tilmaamay kuwii cabsida badnaa ee soo mara taariikhda Maraykanka.
Donald Trump ayaa la filayaa inuu wax baddan ka beddelo siyaasadda Maraykanka ee guddaha iyo sidoo kale siyaaadda Maraykanka ee ku waajahan aduunka intiisa kale, waxa la filayaa inuu qaato go’aamo siyaasadeed oo khatartooda xanbaarsan, kuwaas oo barar socdaan kacdoono kaga iman kara guddaha iyo weliba cabsi ku xeeran in la mariyo jidkii Madaxweynihii 35 aad ee Maraykanka, John F. Kennedy, isagoo balanqaafay Trump inuu shaacin doono cidda ka dambeeysay iyo wax walba oo sababay dilka oo ay ku jirto cidda ka danbaysay dilka.
Donald J. Trump, ayaa xalay si cad ugu celiyay inuu doonayo inuu bannaanka soo dhigo wax kasta oo la xidhiidha dilka Kennedy, waxaana muuqata xidhiidho ka dhexeeya madaxweynaha la dilay ee John F. Kennedy iyo Madaxweynaha maanta xilka la wareegay ee Donald J. Trump, kuwaas oo dhalinaya su’aalo aan weli jawaab loo hayn, balse soo bixi doona mustaqbalka dhow marka uu qaado tallaabooyin waaweyn oo ka dhan ah kooxo siyaasadda Maraykanka gacanta ku hayay tan iyo wixii ka horeeyay dilka John F. Kennedy.
Dad baddan ayaa xusuusan ama la socda taariikhda Maraykanka in Kennedy uu ku dhaqaaqay isbeddelo ay adkayd in hoggaamiye kale oo Mareykan ah uu sameeyo,wuxuu si dhaqso ah markii uu xukunka la wareegay isbeddel weyn ku sameeyay nidaamkii Maraykanka, isagoo shaqada ka cayriyay saraakiil badan oo militariga iyo siyaasadda awood ku lahaa, kuwaa oo uu ku sheegay kuwa aan dooneyn horu socodka Maraykanka, waa mid ka mid ah tallaabooyinka uu qaadayo Trump ee cabsida baddan.
Sidoo kale, Kenneyd wuxuu soo bandhigay sida uu u doonayo nabadda adduunka, isagoo markaa doonayay inuu qaado tallaabo Maraykanka iskudayay inuu ku dhawaaqo, taas oo ahayd doonistiisa heshiis ay gaadhaan quwadihii waaweynaa ee dunida ku loolamayay Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti , si meesha looga saaro dagaalkii qaboobaa iyo xasillooni darrada dunidda waqtigaa ka jirtay, balse waxa loo arkaa innay qayb ka ahayd waxyaabaha soo dedejiyay dilkiisa.
Madaxweyne Trump, wuxuu raacayaa jidkaa mid la mid ah, wuxuu saxeexay go’aan uu dalkiisa kaga saarayo Ururka Caafimaadka Adduunka WHO, kaasoo uu ku dhaliilay sida ay wax uga qabato cudurka faafa, isagoo Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO, ku dhaliilay xilligii xannuunka Coronavirus Covid19 dunida ku faafay, isagoo xilligaa ahaa Madaxweynaha Maraykanka, blase ku guuldaraystay doorashada xilligiisii labaad.
Sidoo kale, Markii uu gaadhay Aqalka Cad Isniintii, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxeexay cafis ilaa 1,500 oo qof oo ka qeyb qaatay weerarkii dhismaha Capitol ee Maraykanka 6-dii Jan, 2021. Aqalka Cad, kuwaas oo ahaa taageerayaashiisa, wuxuu sheegay Trump in “la haystayaashan ay mudan yihiin cafis buuxa.”
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa taageerayaashiisa hortooda ku saxeexay amar Madaxwayne oo si cad u xaqiijinaya in Washington ay ka baxdo heshiiskii isbedalka cimilada ee Paris, kaas oo uu hore u balanqaaday.
Trump, ayaa qorshayna in la joojiyo dagaallada oo la doono sidii xasillooni looga dhalin lahaa dunidda, meeshana looga saaro dagaallada iyo khilaafyada cabsida ku ah waqtigan dunidda ee sababay burburka dhaqaale iyo saamaynta ganacsiga aduunka.
Siyaasaddiisa ku waajahan geeska Afrika, ayaa rajo u muujinay in Somaliland noqoto qaran madaxbanaan, ama ugu yaraan loola dhaqmo sidii Kosovo, iyadoo la filayo in maamulka cusub ee Trump xafiis ka furto Caasimadda Somaliland ee Hageysa taas oo warbaahinta Maraykanka iyo kuwa kale ee Caalamka si weyn uga faalloonayoon ka hor doorashadiisa iyo kaddib markii uu ku guulaystay xukunka doorashadii Nov 2024, taas oo munaasibada lagu callemasaaray Isniintii.
Madaxweyne Trump, ayaa si la mid ah Kennedy, wuxuu doonayaa inuu meesha ka saaro jeneraallada Maraykanka,saraakiisha sirdoonka iyo siyaasiyiinta awoodda ku dhex lahaa nidaamka Maraykanka muddada dheer, isagoo sidoo kale ay u qorshaysan tahay inuu wax ka beddelo nidaamka guud ee Maraykanka, wuxuuna dawladdiisa ka fogeeyay xubnihii milliteriga iyo siyaasiyiinta awoodda lahaa, taas oo ka mid ah waxyaabaha cabsida keeni kara.
Madaxweynaha Isniintii xilka la wareegay, waxaa kale oo doonayaa inuu dib u billaabo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Maraykanka iyo Ruushka, taas oo qayb ka ah joojinta dagaalka Ukriane oo ku dhammaan kara inay Ukraine ku weydo dhul ballaadhan iyo gobollo muhiim ah oo gaadhaya ilaa Afar gobol oo muhiim ah iyo weliba in xukuuumadda Ukriane ee xilligan meesha laga saaro, taa oo u xaglinaysa Ruushka, waana tallaabo ku keeni karta Madaxweyne Trump caqabad kaga timaada dalalka reer galbeedka, kuwaas oo aan doonayayn inuu talaabadaa qaado ama ku dhaqaaqo Trump.
Dagaalka Qaza, ayaa sidoo kale in la joojiyo markii uu ka dhawaajiyay Trump, waxa loo arkay in ay ahayd mid digniin iyo hanjabad ku waajahan xukuumadda Israel, taa oo ugu dambayn dhalisay heshiis xabbad-joojin ah, iyadoo ahayd ballankii ahaa ka hor caleema-saarkiisa joojinta dagaalka Qaza, waxay Trump kusoo jeedisay dareenka dunidda, waxaana loo arkayaa qof ku dhaqaaqaya dhammaan ballanqaadyadiisa.
Khudbadiisii dhaarta ka dib, Trump wuxuu wacad ku maray in dhammaan gelitaanka sharci darrada ah la joojin doono, iyadoo malaayiin shisheeye oo lagu sheegay dambiilayaal ah” la masaafurin doono. sidoo kale, wuxuu saxeexay amar uu ku sheegayo kooxaha daroogada Mexico ururada argagixiso.
Trump, ayaa mar sii horaysay, wuxuu si rasmi ah uga noqday ku dhawaad 80 amar fulineed, kuwaas oo Madaxweynihii hore Biden hirgeliyay, isagoo Trump ku tilmaamay kuwo xagjir ah oo aan loo baahnayn, wuxuu Trump hore wacad ugu maray in siyaasadaha uu ugu yeedhay burburinta ee Aqalka Cad ee Biden ay meesha ka bixi doonaan muudo “shan daqiiqo gudahood”, marka uu xukunka la wareego, waana tallaabooyinka uu durba bilaabay fulintooda.
“Ma jirto mas’uuliyad ka saraysa inaan dalkeenna ka difaacno khatarta iyo duullaanka,” ayuu Trump ku yidhi khudbadiisii ugu horreysay ee uu ka jeediyay Aqalka Capitol-ka Maraykanka, saraakiisha maamulka Trump ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku amrayo Waaxda Difaaca inay xakamayso xadka, iyagoo huraya agab iyo shaqaale dheeri ah, oo ay ku jiraan awoodaha ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, saraakiisha ayaa ku tilmaamay mid siyaasadda socdaalka oo la jaanqaadaysa iyo dareenka guud.
Waxa sidoo kale, la filayaa in Trump uu qorsheynayo inuu joojiyo xaqa dhalashada , taasoo noqonay in carruurta muhaajiriinta aan sharciga lahayn ee ku nool Maraykanka aan si toos ah loogu aqoonsan doonin inay yihiin muwaadiniin Maraykan ah, wallow ay ku caddahay dastuurka Maraykanka waxayna u baahan tahay saddex-meelood labameel aqal ee Congress-ka inay wax ka beddelaan, waana mid ka mid ah waxyaabaha sida weyn loo saadaalinayo in Trump ay ku noqonay caqabad, ama ugu yaraan ku kicinay duufaano siyaasadeed oo ku sugaya guddaha Maraykanka.
Maamulka cusubi waxa kale oo uu u dhaqaaqay in uu si degdeg ah u meesha uga saaro CBP One, ee App-ka oo ah arjiga mobelka ee ay u adeegsadaan soo galootiga si ay u ballansadaan ballamaha wareysiyada ajaajinka soo galay dalka.
Saraakiisha maamulka Biden waxay ku tilmaameen app-ka inuu gacan ka geystay dhimista tirada dadka lagu hayo xadka tan iyo markii ugu horreysay ee la soo bandhigo Janaayo 2023. Waxay ahayd dariiqa kaliya ee sharciga ah ee magangelyo looga codsado xudduudda US iyo Mexico.
Dhinaca kale, waxa laga filan karaa Madaxweyne Trump in uu yahay shaqsi dabeecadiisa ay muujinayso sida ay dunidda uu isbeddelo aan looga badarn Madaxda Maraykanka u samayn karo iyo sidoo kale, inuu yahay Trump shaqsi ka dhabayn kara inuu bannaanka soo dhigo xogta dilalkii la qiriyay ee ka dhacay Maraykanka oo ay ku jiraan beegsigii John F. Kennedy, walaalkiis, Robert Kennedy, iyo Martin Luther King. Ballanqaadyada ayaa lala xidhiidhay innay sababaeen iyadoo Trump ugu yaraan saddex mar la isku dayay in la dilo, inta uu ku jiray ololihiisa doorashada ee sannadkii 2024.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com