X
    Categories: Qubanaha

Madaxweynaha Ghana Oo Lagu Qabtay inuu Xatooyo Khudbadeed (Plagiarism) Sameeyey Maalintii Caleemo-saarkiisa

Araweelo News Network


Madaxweynaha cusub ee dalka Ghana ee galbeedka qaaradda Afrika Mr. Nana Addo Dankwah Akufo-Addo, ayaa hadallo aannu lahayn oo xatooyo ah ku darsaday khudbad uu ka jeediyey xafladdii caleemo-saarkiisa oo qabsoontay 7 January 2017.
Khudbada Madaxweynaha Ghana jeediyey, waxa uu qaybo ka mid ah si toosa uga soo qaatay khudbado ay jeediyeen madaxweyneyaashii hore ee Maraykanka – George Bush iyo Bill Clinton – markii ay xilalka dalkooda la wareegeen sannadkihii 1993 iyo 2001-kii.
Qaybta Madaxweyne Bush uu ka soo qaatay waxa uu jeediyey 20 January 2001, waxana ka mid ahaa; “Waxaan idin waydiisanayaa inaad muwaaddiniin noqotaan; muwaaddiniin, maaha daawadayaal; muwaaddiniin, maaha walax; muwaaddiniin masuuliyiin ah oo bulshadooda dhisa adeegyadeeda iyo guud ahaan qarankaba.”
Madaxweyne Nana waxba kama uu beddelin hadalkaas ee wuxuu u isticmaalay siduu ahaa, isagoo sida uu yahay u soo qaatay.
Qaybta kale ee lagu qabtay inuu Madaxweyne Clinton ka soo qaatay waxa ahayd khudbad uu ka jeediyey xafladdii caleemo-saarkiisa oo dhacday 20 January 1993, waxana ka mid ahaa; “Inkastoo caqabadaheennu cabsidooda leeyihiin, laakiin xoogganaan baynu kaga baxaynaa. Ameerika (halkaas Ghana ayuu ku beddelay) weligeed may noqon mid deggan, balse dad rajo leh baa jooga. Waa in maanta shaqadeenna aynu u keennaa hadaf iyo rajadii ay lahaayeen kuwii inaga horreeyey.”
Agaasimaha Warbaahinta ee Madaxweyne Akufo-Addo Mr. Eugene Arhin, ayaa raalligelin ka bixiyey khudbaddaas, isagoo ku qeexay in ay ahayd mid aan loo kasin amma si badheedh ah loo sameeyey.
“Gebi ahaan waxaan raalligelin ka bixinayaa hadallada aan la xusin ciddii lahayd amma qofkii qoray ee khudbada Madaxweynaha ku jiray,” ayuu yidhi Arhin oo la hadlay wargeyska Premium Times oo Jamhuuriya soo xigtay.
Waxa muuqaal ahaan warbaahintu u baahisay hadalka xatooyada ah ee Madaxweynaha cusub ee Ghana shacabkiisa la hortegay, taas oo dadku aad uga cadhoodeen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post