X
    Categories: Qubanaha

Madaxweynaha Cusub Ee Zimbabwe Oo Shuruud Lacageed Ku Xidhay In La Arko

Araweelo News Network

Maxdaxweynaha Dalka Zimbabwe Mr. Emmerson Mnangagwa

Harare(ANN)- Ma doonaysaa in aad la kulanto madaxweynaha cusub ee dalka Zimbabwe Mr. Emmerson Mnangagwa? Haddii jawaabtaadu ‘haa’ tahay, waa in aad iska diyaarsataa khrash dhan $16 doolar oo la xidhay dadka doonaya aragtidiisa.

Arrintaniwaxa ay qabsatay qurba-joogta reer Zimbabwe ee ku nool magaalada Windhoek ee dalka Namibia, xilli uu madaxweynaha cusub ee dalkooda Mr.Mnangagwa halkaas booqasho ku tagay maalintii Isniinta.

Sida uu qorey wargeyska The Villager oo dalkaas ka soo baxa ayaa tabiyey in safaaradda Zimbabwe ee Namibia ay kiraysay hudheel lagu magacaabo Safari oo ku yaal magaalada Windhoek, halkaas oo ay ka qabatay 300 kursi, qofkiina waxa uu ku gelayaa lacag dhan $16 doolar, iyada oo dadka aan lacagta heysanna laga celinayey goobta.
Madaxweynaha ayaa goobtaas ka jeedinayey khudbad, dad badanna waxay sheegeen inay wax lala yaabo tahay in madaxweynaha lacag lagu arkayo xilli Zimbabwe dhaqaale burbur ku dhacay, taas beddelkeedana laga filayey madaxweyne Mnangagwa inuu dadka u abuuro shaqooyin, balse aanay habboonayn in aragtiisa lacag laga dhigo.

“Marka aan codka dhiibeyno lacag ma bixinno, balse marka aan rabno in aan aragno madaxweynahayaga lacag bixiya ayaa nala leeyahay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadkii lacag la’aanta awgeed loogu diiday goobta madaxweyne Mnangagwa kula hadlayey jaaliyadda reer Zimbabwe ee dalka Namibia.

Madaxweyne Emmerson Mnangagwa ayaa xilka la wareegay dabayaaqadii sannadkii hore, kadib markii ciidammadu afgambi ku sameeyeen madaxweynihii muddada dheer ka talinayey dalka Zimbabwe Mr. Robert Mugabe.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post