X

Maalqabeen 1.2 Milyan oo Dollar Siistay Lambar Telefoon

Araweelo News Network


Ganacsade u dhashay dalka Hindiya oo u nool magaalada Dubia ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa moobayl lambar (simcard number) ku iibsaday lacag aad u badan oo xaddigeedu dhan yahay $1.2 milyan oo doollar.
Ninkan ganacsadaha ah oo magaciisa la yidhaa Balwinder, loona yaqaan Raj Sahni, waxa wararkiisa lagu baahiyey bogaga hore ee warbaahinta caalamka sannadkii hore ee 2016, kadib markii uu lambar baabuur (taariko) ah “D5” siistay lacag dhan $8.5 milyan doollar, balse waxa haddana markale soo jiitay indhaha saxaafadda markii uu hanti aad u badan ku iibsaday lambar telefoon oo khaas ah.
Sida lagu baahiyey wargeyska Khaleej Times oo Jamhuuriya soo xigtay, lambarka baabuurka oo lagu xaraashay magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta, loona soo bandhigay si loo siiyo cidda ku guulaysta, waxa uu maalqabeenkani ku iibsaday lacag dhan $1.2 milyan oo doollar, isagoo haddana markale lambar gaadhi ku qaatay $272,000, kaasoo isla xaraashkan oo kale lagu soo bandhigay.
Mr. Raj Sahni waxa uu $1.2 milyan siistay moobayl lambar, balse waxa uu sheegay in aannu isticmaali karin, waayo dad ayaa si joogto ah u soo waca.
“Ma isticmaali karo waligay lambarkan. Waxa aan gacanta ku dhigay 8:30 habeennimo, markii aan haystay laba saacadood oo qudha, waxa i soo garaacay (ila soo hadlay) 1,000 (kun) telefoon,” ayuu yidhi Balwinder oo la hadlayey wargeyska Khaleej Times maalintii Sabtida ee toddobaadkan.
Sannadkii hore ee 2016, waxa uu u sheegay Al Arabiya English inuu ugu badnaan 100 milyan oo Dirham ($27.23 milyan) ku kharashgareeyey iibsashada gawaadhi iyo lambar telefoonno, balse aannu si toos ah u isticmaalin.
“Caannimo lambarrada khaaska ah uma iisado, laakiin waa wax aan anigu jecelahay oo aan sadaqo u bixiyo, waanan ku raaxaystaa. Sidee bay dadku arrinkaas iigu xukumaan? Ha ii yimaaddaan oo ha ila kulmaan, hana ogaadaan qofka aan shaqsiyan ahay.” Sidaa waxa yidhi maalqabeenkan oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyey inuu si kibir ah u isticmaalo hantida Ilaahay siiyey, waxaannu sheegay in lacagaha uu ku iibsado alaabta amma waxyaabaha qaaliga yihiin qaar uu u niyeysto inay tahay sadaqo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post