X
    Categories: Qubanaha

Laba Nin Oo Shaqadoodii Ku Waayay Kadib Markii Ay Gadhka La Bexeen

Araweelo News Network

Paris (ANN) Laba nin oo Muslim ah, isla markaana ka tirsanaa ilaalada ammaanka madaarka magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa sheegay in shaqada lagaga eryey, iyadoo sabab looga dhigay shaqada laga eryay inay Gadhka la bexeen.

Labada Nin, ayaa dacwad sharci ka gudbiyey maamulka madaarka Orly Aiport, iyagoo ku eedeeyey masuuliyiinta in ay safaf geliyeen shaqaalaha Muslimiinta, kadibna ay ku amreen in ay gadhka xiiraan, wixii ka dambeeyey weerarradii Paris ka dhacay bishii hore.
Nin ka mid ah raggan oo lagu magcaabo Bachir ayaa sheegay in qaar ka mid shaqallaaha madaarku aflagaado kula kici jireen, halka saraakiisha sharci fulintuna isku dayi jireen in ay qasab gadhka kaga xiiraan, balse uu diidi jiray, kuna doodi jiray inuu qurux darteed gadhka ula baxay, laakiin aanay ka ahayn diin si uu shaqadiisa u ilaashado.
28 jirkan oo madaarka 5 sannadood ka shaqaynayey waxa uu ku dooday in lagu eryey gadhka oo uu l abaxay darteed, waxaanay garyaqaanno labadan nin metelaya dacwaddooda geeyeen maxkamadda si loogu garnaqo, xaqooda loogu soo celiyo.
Afhayeen u hadlay shirkad Swedish ah oo ammaanka madaarka Paris ka shaqaysa ayaa sheegay in raggani jebiyeen sharciga shirkaddooda u yaal, isagoo xusay in gadhku ka mid ahaa waxyaabaha loo cuskaday erigooda.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post