X
    Categories: Qubanaha

Khubaro Heshay Goob-asaareedyo Wax-ka-beddeli Kara Taariikhda Faca-weyn ee Afrika

Araweelo News Network

Khubarada hoggaanka u haysa cilmiga baadhista asaarta (archaeology), ayaa heshay goobo cibaadeed (temples) tiro badan, kuwaasoo ay sheegeen in ay dadka ka caawinayaan in la fahmo sirta taariikh hore oo Afrika leedahay sida lagu daabacay mareegta France 24.
Charles Bonnet oo ah khabiir Swiss ah oo 83 jir ah, kana mid ah culimada hoggaanka waqtigan u haysa cilmiga baadhista aasaarta qadiimiga ah, gaar ahaan taariikhda Suudaan, ayaa sheegay in saddex macbud (temples) oo ay heleen ay muujiyeen taariikh aad u fac weyn oo Afrika leedahay.
Qaab-dhismeedka goobaha ayaa ay ku sheegeen in taariikhdiisu dib ugu noqonayso 1,500 ilaa 2,000 sannadood Nebi Ciise ka hor ( NNKHA). Waxa ay goobahan heleen dhammaadkii 2016kii, waxaanay u dhawayd degaanka Kerma oo ku yaal waqooyiga Suudaan.
“Qaab-dhismeedka goobahan waa la garan waayey, mana jiro tusaale la mid ah oo badhtamaha Afrika laga heli karo amma webiga Nile goobaha uu maro,” ayuu Mr. Bonnet u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP.
Goobahan macbudada ah oo qaabkoodu yihiin kuwo wareeg ah amma qaabka beedka u samaysan, waxa laga helay goob dhawr boqol oo mitir u jirta goob aasareedka Kerma, halkaas oo Bonnet iyo kooxdiisu sannado badan qodaayeen si ay baadhitaan ugu sameeyaan.
“Qofna garan maayo dhismaha noocan ah, waa guud ahaan nagu cusub, mana jiro nooc qaabkan ah oo laga heli karo Masar amma Nubian qaab dhismeedkooda (arthitecture),” ayuu yidhi khaiir Bonnet.
Khubaradan waxa ay hore u heleen toddoba goobood oo asaar ah oo la yidhaa ‘Black Pharaohs’ (Faraaciintii mad madoobayd) oo ay ka heleen Suudaan, gaar ahaan goob ay maamuli jireen Nubian qoomiyadii la odhan jiray oo degi jiray hareeraha webiga Nile-ka. Waxa aasaartan la helayaa iftiimiyeen in dalka Suudaan ay ka taariikh horrayn karto dalka Masar ee la jaarka ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post