X
    Categories: Qubanaha

Khilaaf ka Abuurmay Go’aan Hay’adda Dambi-baadhista Maraykanka ee FBI-du ku Jabsatay Telefoon iPhone ah

Araweelo News Network

Washington(ANN)Basaasiin ka tirsan hay’adda mukhaabaraadka Maraykanka ee FBI, ayaa jabsaday telefoon noociisu yahay Iphone oo shirkadda Apple leedahay, kaasoo uu lahaa nin dad ku toogtay magaalada California ee dalka Maraykanka.

Dacwad maxkamadeed oo u dhexaysay FBI-da iyo shirkadda Apple oo la soo afjaray maalintii Isniinta, kadib markii dambi-baadhayaasha Maraykanku jabsadeen telefoonka shirkadaasi leedahay shirkaddu, iyadoo dacwadaasi socotay muddo dheer, ayaan ilaa hadda wax faahfaahin laga bixin sida loo jabsaday telefoonka iyo cidda ka caawisayba.
Waaxda Caddaaladda Maraykanka, ayaa sheegtay in FBI-du dib u eegis ku samaynaysay macluumaad ku jiray iPhone oo uu isticmaalay nin weerar khasaare dhaliyey ka gaystay magaalada California, waxaannu kiiskan abuuray in dunidu indhaha ku hayso, taasoo keentay in shirkaddan iyo dalwadda Maraykanka dacwad adag wada galaan.
Sirkadda Apple iyo shirkaddo kale, ayaa sheegay in ay doonayaan sidii ay u difaaci lahaayeen macaamiishooda macluumaadka ugu jira si aan loo jabsan oo aanay u fududaan in qof kasta la heli karo xogtiisa, balse booliska iyo dalwadda Maraykanka ayaa sheegtay in macluumaadka la adkeeyey (encryption) uu dambi-baadhayaasha ku adkaynayo in ay helaan dambiilayaasha iyo macluumaadka argagixisada.
“Bilawgii waannu diidnay FBI dalabaadkeeda ah in shirkadda Apple u samayso amma u fududayso in la heli karo macluumaadka iPhone isticmaalayaashiisa, sababtoo ah waxa aannu aaminsanayn in ay khalad tahay, khatarna ay keenayso, balse kiiskan dawladdu way jebisay,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeed ka soo baxay shirkadda Apple oo Jamhuuriya soo xigtay.
Maxkamadda ayaa soo saartay ogaysiin keenay su’aalo badan; sida cidda u jebisay amma tustay FBI sida iPhones macluumaadkooda loo helo? Telefoonka iPhone ma u fududaan doonaa cid kasta in ay jabsato oo macluumaadka dadka sidaa lagu helo?
FBI ayaa tallaabooyinkan ay ku jabsatay iPhones u qaaday si ay u heli lahayd macluumaadka Syded Farook, kaasoo isaga iyo xaaskiisuba ay ku dhinteen weerar ay ku qaadeen bishii December xarun ku taala California oo ay ku dileen 14 qof, iyagana aakhirkii boolisku toogteen.
Telefoonka dhacdadan oo dhan ka dhacday, waxa lahaa nin uu Farook u shaqaynayay oo Madax ka ahaa Waax caafimaad oo uu ka hawlgalayey, kaasoo maydkiisa gaadhi dhexdii laga helay maalin uun kadib markii weerarku dhacay, baadhitaankana lagu oggaaday in la toogtay, waxaanay ku fashilantay FBI in ay macluumaad ka hesho telefoonkaas.
Garsoore la yidhaa Sheri Pym oo ka tirssan Maxkamadda Degmada California, ayaa sheegay in bishii hore shirkadda Apple amar ku bixisay in FBI la siiyo barnaamij (software) ay ku jabsan karo telfoonka Farook, taasina ay keentay dood ah in lagu xad-gudbayo xuquuqda gaarka ah (Privacy rights) ee isticmalayaasha iPhone.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post