X

“Khalad Weyn Ayay Ahayd Go’aankii FIFA Ee Ahaa In Qadar Martigeliso Koobka Adduunka 2022, Guddoomiyihii Hore Ee FIFA

Madaxweeynihii hore ee xidhiidhka kubadda Cagta ee Caalamka (FIFA) Sepp Blatter

Araweelo News Network.

 

Zürich, Switzerland (ANN)-Madaxweeynihii hore ee xidhiidhka kubadda Cagta ee Caalamka (FIFA) Sepp Blatter,  ayaa sheegay inay Khalad weyn ahayd go’aankii uu gaadhay sannadkii 2010, markii uu guddoonsiiyay in dalka Qatar uu martigeliyo koobka adduunka sannadka 2022.

 

Dalalka reer Galbeedka ayaa ku eeddayay Dalka Qatar inuu ku Tunto xuquuqda Banii aadamka. Reer Galbeedka ayaa ku eeddayay dalka Qatar in aanny ogolayn is dhex galka bulshada gaar ahaan waxay aad uugu cadaadinayaan inuu ogolaado  in dalkaasi Aqbalo dadka adduunka naadirka ku ah ee dhaqamada xun, kuwaas oo dalxiis ahaan la doonayo in ay u tagaan dalka Qatar inta uu socdo tartanka koobka adduunka.

 

Waddamada reer Galbeedka ayaa ku cadaadinaya dalka Qatar inay oggolaato xuquuqda dadka Qoowmu luudka ah (Homosexuality), taas oo ay dhaqan ahaan diidantahay dowladda Qatar oo ah dowlad islaam ah.

 

Dalka Qatar ayaa kaga guulaystay dalka Maraykanka marti gelinta koobka adduunka sanandkii 2010.

Waxaana jirta tuhun weyn oo laga qabo Madaxweynihii hore ee hay’adda FIFA,  taas oo ah inuu lacago malaayiin dollar ah ka qaatay dowladda Qatar,  si uu ugu ogolaado in dalkaasi marti geliyo koobka adduunka sanandkii 2022.

 

Dalalka reer galbeedka ayaa dacaayado ay Hawadda soo marinayaan oo ku waajahan  Qatar,   iyagoo ku eeddaynaya in dalkaasi aannu u Qalmin inuu marti geliyo koobka adduunka maadaama aannay ka Jirin Dalkaasi marti.gelinta xuuquqda Banii  aadamka iyo dhaqamada kala duwan ee dadyoowga caalamka oo ay ula jeedaan laga roonayaasha, ama khaniisyada qoemuluudka oo ay doonayaan in ay foodsaaro uga dhigtaan doodad ay ku andacoonayaan dalalka reer galbeedka.

Araweelo News Desk
Written and translated by Dr. Ahmed Hassan Salah, Editing by Arraale M Jama.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post