X
    Categories: Qubanaha

Kenya: Cabsi soo Waajahday Dadka Timaha Dhaadheer iyo Suuqa Lagu Kala Iibsado oo Xaami Noqday

Araweelo News Network

Cabsi xoogan ayaa soo waajahday bulshada ku dhaqan dalka Kenya, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Nairobi, kadib markii ay halkaas ka bilaabantay tuugo si farsamaysan u xada timaha qofka ku yaal, iyadoo cabsidu ku sii badan tahay dadka leh timaha dhaadheer ee laalaaban.
Sida lagu daabacay jariirada Nairobi News oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, tuugtan waxa ay timaha ka goostaan qof kasta oo ay u arkaan inuu timo dhaadheer leeyahay, kadibna waxay u iibgeeyaan meelaha la isku qurxiyo ee ay ka mid yihiin kooferada iyo meheradaha ka ganacsada iibka timaha.
Inta badan waxa ay falalkoda fuliyaan waqtiyada dadku ay saaran yihiin gaadiidka dadweynaha, sida basaska amma tagaasida.
“Markii aan raacay gaadhiga, waxa aan ka war helay laba nin oo dhallinyaro ah oo aan markii hore ku arkay dukaanka. Mid ka mid ah waxa uu xambaarsanaa shandada dhabarka lagu qaado, waannu i salaamay markii uu gaadhiga soo koray. Waxa aan fadhiistay kursiga labaad safka ugu dambeeya. Markii aan degay waxaan xaqiiqsaday in timahaygii laalaabnaa ay fududaadeen, waaban taabtay, waxaanan ogaaday in la igaba goostay. Waxa aan ka shakiyey labadii i daba socday, balse waabay tegeen mar hore.” Sidaa waxa tidhi gabadh la yidhaah Brenda Okwiri oo dhacdadan la soo daristay, una warantay wargeyska Nairobi News.
Labbiska iyo qurxinta timaha waxa aad u dalbada macaamiisha amma dadka timaha laalaaban ee dhaadheer jecel, iyadoo looga keeno qof kale oo lagaga soo goostay goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan, gaar ahaan gaadiidka. “Timaha laalaaban (Dreadlocks) dalab aad u sarreeya ayaa ay ka marayaan Nairobi maalmahan. Dadku way jecelyihiin, sababtoo ah waa fashiyoon, waanay fududahay in la helo. Waxa timaha qaar la siistaa KSh40,000 shillinka Kenya ah oo u dhigma $400 doollar. Kuwo kale waxa la siistaa KSH20,000, una dhiganta ($200 doollar), qofkiiba wuxuu heli karaa timo dhererkoodu yahay ilaa lix inji (6 Inches). Haddii la helo timo ajenebi aad bay u qaali tahay,” Sidaana waxa yidhi Mr. Fred Benzo oo ka mid ah dadka ka shaqaystay qurxinta timaha.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post