X
    Categories: Qubanaha

“Jihaadka hadafkiisu waa u quusgooynta gaalada iyo munaafiqiinta isxambaarka ah..” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.

Araweelo News Network
Waynu aragnay muslimka meelo lagaga adkaaday in masaajidadii loo bedelay kiniisado

Hargeysa(ANN)Sheekh Maxamed Sheekh Cumar (Dirir) ayaa shaaca ka qaaday in muhiimada jihaadku tahay in dawlada islaamku yeelato cududii ciidan ee ka difaaci lahayd cadowga, si ay u taabagasho.
Sheekh Maxamed Dirir oo xalay kelmad ka jeediyey ku saabsan aayado lagu tukanayey salaadii taraawiixda ayaa sheegay in muhiimada jihaadku yahay siduu u baqdin gelin lahaa cadowga islaamka, una soo hawaysan awliyadiisa, sida Ilaahay ayaada qu’raanka inoogu sheegay, waxaanu yidhi,
“Jihaadka hadafkiisu waa inuu u quusgooyo gaalada iyo munaafiqiinta isxambaarka ah, oo markay arkaan awooda islaamku quusanaya.
Sheekh Maxamed oo ka hadlayey faa’iidooyinka jihaadku u leeyahay ummada islaamka ayaa sheegay inaan la heleen nabadgelyo loogu cibaadaysto masaajidada,
“Hadii aanu jirin jihad ay muslimiintu ku difaacaan gaalada waxay dumin lahaayeen muqadasaadka, sida masaajidada, waynu aragnay muslimka meelo lagaga adkaaday in masaajidadii loo bedelay kiniisado.
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa sheegay in muhiimada jihaadku tahay in lagu ilaaliyo diinta, dadka, dalka iyo dawladooda islaamka ah, waxaanu yidhi,
‘Muhiimada jihaadku waa in lagu ilaaliyo diinta, dadka, dalka iyo dawlada islaamka, hadii afartan awood lagu ilaaliyo la waayana, xaqiiqdii wax walba wuu fasahaadayaa.
Sheekh Dirir ayaa sheegay in dhowrkaa qodob aynu ka sheegi karno arrimaha soo hoosgelaya ama sirta jihaadka diinta islaamku u dhigtay yahay shay diini ah oo cibaado ah, oo aan xaqdaro, aargoosi iyo ifsaad midna ahayn.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post