X
    Categories: Qubanaha

Ingiriiska: Haddaad Luqadda Carabiga Baratay waa Furaha Shaqo Mushaharkeedu Sarreeyo

Araweelo News Network

London(ANN)Barashada luqadda Carabiga ayaa noqotay fure qofku uu ku heli karo shaqo aad u mushahar sarraysa gudaha dalka Ingiriiska, taasoo muujinaysa sida afka Carabigu safka hore kaga jirto luqaddaha ugu isticmaalka badan caalamka.
Sida laga ogaaday mishiinka shaqo doonashada ee Adzuna (Job Search Engine) waxa ay Luqada Carabigu noqotay luqadaha ugu fiican ee dadka yaqaan mushaharka aadka u badan qaato.
Shirkadadn Ingiriiska ah oo baadhitaan ku samaysay in ka badan hal milyan oo shaqo si ay u ogaato luqadda loogu raadiska badan yahay inta badan loo shaqeeyayaashu shardiga kaga dhigaan inuu qofku noqdo, waxana soo baxday in sagaal af yihiin kuwa ugu mushaharka wanaagsan dalka Ingiriiska, iyadoo Carabigu kaalinta labaad galay.
Dadka sida fiican ugu hadla Carabiga iyo Ingiriisiga waxa ay inta badan tartan u galaan, kuna guulaystaan shaqooyin aad u heer sarreeya, waxaanay daraasaddan lagu ogaaday in ay ka mushahar badan qofka ku hadla luqadda Ingiriiska oo qudha.
Luqadda ugu horraysa ee dalka Ingiriiska aadka loogu baahda waa Jarmalka, sida mishiinka shaqo raadiska ee Adzuna daraasaddiisa u ogaaday. Mushaharka loo soo bandhigo qofka Ingiriisiga iyo Jarmalka ku hadla ee boqortooyada Ingiriiska jooga waxa uu dhan yahay 34,534 Giniga Ingiriiska sannadkii, taasoo u dhiganta $45,000 doollar. Celcelis ahaan mushaharka ugu sarreeya dalka Ingiriiska hadda waa 27,478 giniga oo u dhiganta $35, 760 doollar ka hor inta aan laga jarin cashuurta iyo waajibaadyada kale.
Luqadda Carabiga oo noqotay kaalinta labaad, waxana ku xiga Faransiiska iyo Isbaanishka (French and Spanish), sida warbixinta daraasaddu iftiimisay. Celcelis ahaan mushaharka uu qaato qofka Carabiga iyo Ingiriisiga ku hadlaa waa 34, 122 giniga Ingiriiska ah sannadkii ($44,500).
Waxa daraasaddu sheegtay in 1,113 (kun, boqol iyo saddex toban) shaqo looga baahan yahay Ingiriiska, shardina ay u tahay in qofku Carabiga iyo Ingiriisiga si fiican u yaqaanno.
Luqadda afraad ee Ingiriiska aad looga jecel yahay waa Dhaj (Dutch), Isbaanishku
(Spanish) kaalinta shanaad, Jabbaan (Japan) waa kaalinta lixaad, Ruushku waa toddobaad, Talyaanigu waa siddeedaad, halka Shiinuhu (Chinese Mandarin) kaalinta sagalaad gashay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post