X
    Categories: Qubanaha

Inan Yar Oo Warqad Qalbi Taabasho Ah u Dirtay Aabbaheed oo Doorasho Madaxweynenimo Lagaga Guulaystay

Araweelo News Network

Madaxweynaha dalka Ghana Mr. Maha oo doorashada madaxtinimo ee dalkiisa lagaga guulaystay dhowaan, ayaa waraaq qalbiga taabay ka helay gabadh uu dhalay oo 8 jir ah.
Mss. Farida Gyamfua Mahama waxa ay waraaqdeedu ku saabsanayd inay aabbaheed ku qanciso inuu dalka wax badan u soo qabtay oo guul-darradu aanay waxba ahayn, waxaanay xasuusisay in ay jeceshay, shayga ugu muhiimsanna yahay inuu qabstay wixii uu karayey.
Waraqadda gabadhan yar aabbaheed u dirtay oo qallin ku qornayd oo Jamhuuriya soo tarjumay waxay u dhignayd sidan:

“Waxaan aaminsanahay aabbahay. Allena waa aaminsan yahay aabbahay. Aabbe waxaad u shaqaysay si adag si aad nolosha wax uga beddesho, una habayso dalka Ghana. Waxa uu qabtay wax badan sida dugsiyo waxbarasho, waddooyin. Waxa uu qabtay wax badan oo aanan waxba ka odhan karin. Wixii uu karayey wuu qabtay, taasina waa shayga ugu muhiimsan.


Aabbahay waan jecelahay, Allena waa jecel yahay. Sidoo kale isna wuu i jecelyahay, Ilaahayna wuu jecelyahay. Qalbiga ku hay aabbo,” ayey tidhi gabadha uu dhalay Madaxweynihii Ghana ee lagaga adkaaday doorashadii dhowaan ka dhacday dalka ku yaal galbeedka qaaradda Afrika.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post