X

Imran Khan Ra’iisal Wasaarihii Pakistan Oo Xabsiga La Dhigay

Pakistan's PM Imran Khan

#Araweelo_News_Network.

 

Islamabad(ANN)-Booliska Dalka Pakistan, ayaa xabisga u taaxaabay  Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalkaa Imran Khan 5 August 2023.

Sida ay baahiyay maanta oo Sabti ah Wakaaladda wararka ee AFP, Imran Khan ayaa la xidhay kaddib markii garsoore maxkamadeed uu sheegay inuu ku helay dambi uu ku macneeyay arrimo la xidhiidha musuqmaasuq.

Imran Khan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xadhig ah, sida ay xaqiijiyeen Booliska iyo saraakiisha Pakistan.

“Waxaan hadda helay xogta ku saabsan in Imran Khan la xidhay,” sidaa waxa yidhi, Attaullah Tarar, oo ah kaaliyaha gaarka ah ee Ra’iisal Wasaare Shehbaz Sharif, oo la hadlay warbaahinta.

Booliska Lahore ayaa sheegay in Khan ay xidheen saraakiil ka tirsan ciidamada Islamabad markii xukunku ku dhacay ee uu amray garsooraha qaadayay eeddaha dacwadda.

Siyaasiga Khan, ayaa xilligan ahaa hoggaamiyaha xisbiga PTI, wuxuuna tan iyo markii xilka laga tuuray la kulmay in ka baddan 150 dacwadood iyo eeddaymo, kuwaas oo uu sheegay in ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed.

“Waxaan racfaan ka qaadan doonnaa xukunka,” ayuu yidhi, Khan, isagoo sidaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP, oo soo xiganay Intezar Hussain Panjutha, oo ka mid ah qareennada difaacaya Imran Khan.

Siyaasigan ayaa xukunka laga tuuray sannadkii hore muddo yar kaddib markii uu bilaabmay dagaalka Ukraine, wuxuuna xilligaa si badheedh ah taageero ugu muujiyay Ruushka, taas oo ka cadhaysiisay Maraykanka oo saamayn weyn ku leh siyaasadda dalka Pakistaan.

Laakiin mudaharaadyo waaweyn oo lagaga cadhooday in xilka laga qaado ayaa gilgilay dalka oo dhan, waxanaa lagu bilaabay dacwado kala duwan, kuwaas oo inta baddan dadka siyaasadda dalka Pakistan sida dhow ula socdaa ku macneeyeen iskudayo la doonayo in siyaasadda lagaga xabiso.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post