X

Imran Khan Ra’iisal Wasaarihii Pakistaan Oo Dhaawac Soo Gaadhay

Araweelo News Network.

Lahore (ANN)-Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan ayaa ka badbaaday isku day dil oo loo malaynayo inuu ahaa shirqool la doonayay in lagu khaarajiyo.

Raiisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan, Imran Khan, image file, Araweelo News Network.

Imran Khan, waxa soo dhaawac fudud Khamiistii kaddib markii nin dablay ah rasaas ku furay gaadhi konteenar ah oo ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan uu la socday, iyadoo ay weheliyeen taageerayaashiisa.

Sida ay sheegtay warbaahinta Pakistaan, waxa soo gaadhay dhaawac fudud, iyadoo saraakiisha cusbitaalka lagu dawaynayaa sheegeen in aannu soo gaadhin Imran Khan dhaawac halis ah.

Dhinaca kale, warbaahinta maxalliga ah ayaa muujisay sawirro la dheehanayay isaga oo u gacan haadinaya taageerayaashiisa xilli caafimaad ahaan loo daadgureeyay Cusbitaal ku yaalla Lahore.

Wasaaradda arrimaha guddaha ee Pakistan ayaa lagu soo waramayaa inay furtay baadhitaan ku saabsan dhacdadan, iyadoo taageerayaasha Khan ay buux dhaafiyeen waddooyinka magaalooyin baddan.

Imran Khan ayaa dhawr bilood ka hor xilka laga tuuray, kaddib markii uu si cad uga hor yimi in Pakistaan midiidin u noqoto Maraykanka iyo xulufadiisa, isagoo xilligaa si cad u taageeray xulufadda Ruushka, taas oo ahayd bilawgii dagaalka Ukraine ee horaantii sannadkan, balse dadka reer Pakistaan ayaa uga cadhooday in xilka laga qaado ra’iisal wasaare Khan, kuwaas oo wadooyinka isugu soo baxay, iyagoo arrintaa aad uga cadhaysan, isla markaana dhaleecayn u jeedinaya Baarlamaanka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post