Araweelo News Network
Waxa Baanka Adduunku (World Banka) sheegay in 767 milyan oo qof ay ku noolaayeen wax ka yar $1.90 dollar maalintii markii ay taariikhdu ahayd 2013-kii, halka macluumaadkii ugu dambeeyey ee la helay tilmaamay in 881 milyan sabool ahaayeen sannadkii hore, balse dhaqaalaha wadammada qaaradda Eeshiya oo kor u kacay aawadeed ay dad badan xayndaabka saboolnimada ka baxeen.
“Waa wax cajiib ah in dalalku ay sii wadaan in ay dhimaan saboolnimada, korna u qaadaan horumarka, iyadoo dhaqaalaha adduunku aannu fiicnayn.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Baanka Adduunka Mr. Jim Yong Kim oo soo saaray war-murtiyeed lagaga hadlay heerka saboolnimada ee ka jirta dalalka caalamka, kaasoo Jamhuuriya soo xigtay xalay.
Xogtan cusub waxa ay xaqiijisay in dadka saboolka ah ay horumar sameeyeen rubuc qarnigii u dambeeyey. Adduunka waxa ku noolaa 1.1 bilyan qof oo sabool ah sannadkii 2013kii ilaa 1990, iyadoo waliba bulshadu kobcaysay, balse sida warbixinta lagu sheegay tirada dadka saboolka ah ayaa hoos u dhacday.
Waxa ay maxsuulka daraasadan Bangiga Adduunku soo dhawaynaysaa hadafkii Qarammada Midoobay ku sheegeen in ay saboolnimada xad-dhaafka ah cidhib-tirayaan marka la gaadho sannadka 2030-ka, haddii Ilaahay yidhaah. Waxaannu hadafku yahay in horumar waara la gaadho, kaasoo ka kooban 17 hadaf (17 goals) oo lagula dagaalamayo saboolnimada, sinnaan la’aanta iyo dhalan-gediska cilmilada.
Waxa daraasadu sheegtay in macluumaadka la helay iftiimiyeen in sinnaan la’aantu ay weli ka jirto in ka badan 40 dal o adduunka ah, sida dalalka Brazil, Peru, Mali, Cambodia iyo dalal kale oo caalamka ah.