Araweelo News Network

Pakistani tribal leader Malik Jalal

Pakistani tribal leader Malik Jalal

London(ANN) Nin hoggaamiye qabiil ah oo u dhashay dalka Pakistan, ayaa u dhoofay waddanka Ingiriiska si uu isaga bari yeelo liis Maraykanku ku daray oo ay doonayaan inay ku dilaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee la yidhaa drones-ka, isagoo ka codsaday dawladaha Britain iyo USA in aan waxyeello loo gaysan ammaankiisa, maadaama aannu wax dambi ah ku jirin.

Ninkan ayaa sheegay in lagu daray liis argagixiso ah oo Maraykanku aad u baadi goobayo, sidaa darteedna uu Ingiriiska u tegay sidii uu idaacadaha ugala hadli lahaa madaxda Washington.

Hoggaamiye kuwa dhaqanka oo magaciisu yahay Maalik Jalal ayaa dalka Ingiriiska ka galay dhinaca degaanka Waziristan oo ah xadka u dhexeeyay waddamada Pakistan iyo Afghanistan, kadibna waxa uu ka soo muuqday idaacadda qaranka UK, isagoo ka dalbaday dawladda Maraykanka iyo Ingiriiska in aanay dilin.

Waxa uu sheegay in lagu bartilmaameedsanayo ugu yaraan afar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Darooniska (drones), waqtiyo badanna la seegeen duqayn ay u geysteen, sidaa awgeedna uu go’aansaday inuu tallaabadan qaado, maadaama carruurtiisa iyo qoyskiisu ka cabsadeen in lagu dilo duqaymahaas.

Mr. Jalal ayaa dalka Ingiriiska u duulay si uu waraysi u siiyo BBC-da, ulana kulmo xubno baarlamaanka Ingiriiska ah isagoo aan la xidhin. Waxa uu isku dayey muddo badan ninkan inuu caddeeyey in aannu argagixiso ahayn, sida ay sheegtay hay’ad xuquuqal-insaanka u doodaa, balse Madaxda sirdoonka Ingiriisku ay diideen in arrintiisa ay faallo ka bixiyaan, sidaa darteedna uu ku jiro liiska dadka la dilayo.

“Kama hadalno arrimaha sirdoonka,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Xafiiska Arrimaha Dibadda Ingiriiska, laakiin Mr. Jalal waxa uu ku adkaystay in marar badan ay u digeen hay’ado ammaanka qaabilsan, sidaasna waxa uu ku sheegay waraysi uu siiyey barnaamijka Radio 4’s Today Proggrame oo la sii daayey horraantii toddobaadkan.

Sidoo kale, ninkan waxa uu ku dooday in reer galbeedku aanay ogolayn in ay la xaajoodaan argagixisada, war yaraan badana ay hayso, isagoo xusay inuu u tegay Ingiriiska sidii uu u furan lahaa dacwad, maxkamadna u isticmaalo, waxaannu tilmaamay in aannu qori iyo waxyaabaha qarxa toona ‘isticmaalayn.

Ninkan caaqilka ah oo la filayo inuu dalka Pakistan dib ugu laabto Jimcaha maanta, ayaa sheegay in lagu bartilmaameedsanayo shaqooyin uu ka hayo woqooyiga Waziristan, gaar ahaan guddida uu ka tirsan oo qaabilsan dhinaca ammaanka la yidhaah (North Waziristan Peace Committee (NWPC).

Guddida uu ka tirsan yahay ninkan ayaa ka shaqaysa sidii ay nabad uga dhex dhalin lahayd Ururka Dalibaan iyo dawladda Pakistan, balse sida hay’adda xuquuqal-insaanka (Human rights Charity Reprieve) sheegtay waxay sirdoonka reer galbeedku aaminsan yihiin in Guddida NWPC ay Taliban u oggolaatay in ay si ammaan ah u joogaan Waziristan, halka NWPC sheegeen in ay shacabka iyo qoysaskooda u doonayaan inay ammaan ku noolaadaan.

Caaqil Jalal oo doorka uu guddidan ka ciyaaraa yahay dhexdhexaadinta murannada oo dawladda Pakistan u aqoonsan tahay, ayaa BBC u sheegay; “Waxa aan door muhiim ah ku lahaa arrimaha wanaajinta ammaanka, horumar baanu ka samaynay, waana sababta Maraykanku noo bartilmaameedsanayaan. Waxa aan afar jeer ku dhawaaday in la i qarxiyo, hase ahaatee waxaan aakhirkii xaqiiqsaday in la igu daba jiro.”

Caaqilkan oo uu Ingiriiska ku casuumay Lord Mac Donald oo ah Agaasimihii jore ee Xeer-ilaalinta Dadweynaha Ingiiriska, ayaa sidoo kale Mr. Jalaal ka oggolaaday inuu waraaq u qoro Wasiirka Arrimaha Gudaha, Theresa May iyo waliba Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain Mr. Philip Hammond, halka Safiirka Maraykanka laf ahaantiisu helay waraaqdan oo uu ku dalbaday in la ammaangeliyo naftiisa iyo qoyskiisaba.

Waxa uu caaqilkan dalbaday in magaciisa laga masaxo liiskaas, kulana oggolyahay si uu isaga tir tiro wixii lagu haysto, ugana doodo.