X
    Categories: Qubanaha

Hindiya: Jacaylkii Mideeyey ee Colaadaha ka Dhex Qaaday Qoomiyadaha Muslimka iyo Hinduska!

Araweelo News Network

Mastani waxa ay ahayd gabadh uu dhalay boqor Maharaja Chhastral oo ka talin jiray boqortooyada Bundelkhand oo dalka Hindiya ah. Waxa dhashay hooyo Muslimad ah oo boqorku guursaday.
Gabadha Mastani waxa si fiican loo baray oo ay xirfad u lahayd dagaalka, kumana ay kaliyeysan qorshaynta amma dhigista istaraatijiyadda millateri, balse sidoo kale waxay caan ku ahayd in ay dagaalka la gasho saygeeda marka dagaalku qadhaadhaado ee uu meel xun marayo.
Qarnigii 18aad ayaa boqortooyadii yarayd ee Bundelkhand ee aabbaheed ka talinayey ay qabasdeen ciidammadii Mughal. Aabbaheed boqor Maharaja Chhatrasal waxa maxbuus ahaan u qaatay isaga iyo qoyskiisaba ciidammadii qabsaday.
Muddo markii la haystay ayaa Bajirao oo Ra’iisal-wasaare ka ahaa boqortooyo la yidhaa Maratha u tafaxaytay inuu soo badbaadiyo boqorka iyo qoyskiisaba. Waxa la diyaariyey qorshihii boqorka lagu soo badbaadin lahaa, gaar ahaan uu Ra’iisal-wasaaruhu ku badbaadin lahaa. Ninkan badbaada u yimmi waxa uu ahaa nin balaayo afuuf ah oo degaannada boqortooyadiisa ku hareeraysan oo dhan col la ah, dagaallo badan kula jira boqor iyo saldanado badan.
Qorshaha dirireed iyo xeeladda dagaalka oo uu aad u yaqaanay waxay u saamaxday inuu badbaadiyo boqorka iyo qoyskiisa. Boqorkii wuxuu aad ula yaabay geesinimada iyo hal-adayga ninkan soo badbaadiyey, kadib waxa uu siiyey inantiisii oo ahayd qofka saddexaad ee dhaxaltooyada boqortooyada yeelanaysa.
Qoomiyadda la yidhaah Hinduga dhaqan ahaan waa dad caadooyinkooda ku adag tahay, isla markaana aan ogolaan in ay nolol la wadaagaan, cunto la cunaan amma la jaalaan cid aanay isku caqiido haysan, balse Ra’iisal-wasaare Bajirao waxa soo jiitay quruxda iyo shahsiyadda wanaagsan ee dhibirsanaantu ka muuqato ee ay leedahay Mastani oo ah gabadha boqorku dhalay, kadib waxa uu meel iska dhigay kala duwanaanshaha diimeed ee haystay, waxaannu guursaday inantii quruxda badnayd ee Mastani.
Guurkooda waxa Hindidu ku astaysaa inuu ahaa dulqaadasho midaysay qoomiyado Hindiya ku kala nool oo dhibaato kala haysatay… la soco…..

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post