X
    Categories: Qubanaha

‘Haweenka Afrikaanku Waa Kuwa ugu Adkaysiga Badan Saboolnimada iyo Abaaraha’ Baanka Adduunka

Araweelo News Network

Bangiga Adduunka, ayaa sheegay in haweenka Afrika ka adkaysi iyo wax tar badan yihiin ragga marka ay yimaaddaan dhibaatooyinka ka midka yihiin saboolnimada, cunto yaraanta, caafimaad la’aanta, isbeddelka cilmilada iyo abaaraha.
Inkastoo ay aad u yar yihiin dedaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha haweenka Afrika iyo horumarka meelo badan oo qaaradda ah, haddana dumarka Afrikaanku waxa ay u adkaystaan xaalad kasta oo noloshooda la soo gudboonaata.
“Ganacsiga caalamiga ah waxa uu u muuqdaa mid aan laga wada qaybgelin oo aanay laga qaybgelin dad ku filan; haddii ay tahay haween iyo rag, dadka aan shaqayn, kamana faa’iidaan dad ku filan.” Sidaa waxa yidhi Mr. Jim Redden oo ah khabiir ka tirsan Jaamacadda University of Adelaide Institute oo Jamhuuriya soo xigtay.
Waxa kaloo Bangiga Adduunku sheegay in meelo badan oo Afrika ah haweenka loo diido in ay shaqeeyaan amma yeeshaan hanti u gaara, siiba kuwa ku nool goobaha ay aadka uga shaqeeyaan dhaqannada iyo caadooyinka soo jireenka ah.
Daraasado kala duwan oo Baanka Adduunku sameeyey, ayaa lagu ogaaday in iyadoo culayso badan haystaan haweenka Afrika ay haddana ka baxaan oo ragga ka adkaysi badan yihiin marka ay yimaaddaan masiibooyinka dabiiciga, dagaallada iyo saboolnimada xad-dhaafka ah.
Haddaba, dawladda Australia oo kaashanaysa Bangiga Adduunka, ayaa ka bilowday dalka Koonfur Afrika shir hordhac u ah barnaamij la doonayo in haweenka Afrikaanka lagu soo daro ganacsiga caadiga.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post