X
    Categories: Qubanaha

Haweenay uu Qabo in Badhasaab ah oo Mudalabnimo ku Shaqaysata

Araweelo News Network


Haweenay uu qabo Badhasaabka Gobolka Maine oo ka mid ah dalka Maraykanka Mr. Paul Legape, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa mudalabnimo kaga shaqaysata hudheel cuntada laga cuno oo ku yaal gobolka odaygeedu xukumo.
Ninkan Badhasaabka ah oo ka mid ah masuulka ugu mushaharka hooseeya ragga haya jagadiisa oo kale, ayaa la sheegay in xaaskiisu goob hudheel ah kaga shaqaynaysay mudalabnimo toddobaadyadii u dambeeyey si ay noloshooda ugu kabto, isagoo shir uu dhawaan qabtay kaga dhawaaqay in xaaskiisu shaqo ka bilawday meherad laga cunteeyo.
Waxa uu sheegay in sababta haweenaydiisu shaqada u bilawday ay tahay sidii ay u kabi lahayd mushaharkiisa uu ku qaato xilka badhasaabnimo oo ah $70,000 sannadkii, maadaama uu yahay masuulka ugu mushaharka yar Guddoomiyeyaasha ka hawlgala Gobolada kala duwan ee dalka Maraykanka.
Badhasaabkan iyo xaaskiisa, ayaa laba sanno ka hor iibsaday guri aad u yar oo qiimihiisu yahay $215,000 (laba boqol, shan iyo toban kun) oo doollar, sida lagu baahiyey saxaafadda Maraykanka oo Jamhuuriya soo xigtay, waxaannu marar badan isku dayey inuu mushaharkiisa kordhisto, kana dhigto $150,000 ilaa $135,000 doollar oo ah mushaharka ay celcelis ahaan qaataan 50 Badhasaab oo maamula Gobolada ugu waaweyn dalka Maraykanka.
Haweenaydan xaaska u ah ninka Badhasaabka ah, ayaa sheegtay in mudalabnimada ay doonaysay waligeedba in ay qabato, halka gabadh ay dhashay oo hawshan la qabata ay saacaddii ka qaato lacag dhan $28 doollar oo ah shaqadeeda hudheelka, iyadoo xustay in hooyadeed oo muddo dheer daryeelaysay ay geeriyootay bishii October ee sannadkii 2015.
“Waan ogahay in ay sharaftayda kor u qaadayso.” Sidaa waxa yidhi ninka Badhasaabka ah oo saxaafadda la hadlay.
Dhinaca kale haweenaydan mudalabka ah, ayaa tilmaantay inay doonayso sidii ay ninkeeda u tusi lahayd inay si adag u shaqayso si ay ula qaybsato masaariifta iyo dhaqaalaha qoyskooda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post