X
    Categories: Qubanaha

Haweenay U Dhalatay Dalka Imaaraadka Oo 11 Milyan Ku Maalgelisay Wiil Ay Caashaqday

Araweelo News Network

Dubai(ANN)- Boolisku Dalka imaaraatka ayaa su’aalo weydiinaya inan u dhalatay Gobolka Khaliijka carabta oo lacag ka badan 11 Milion oo Riyaal ku kharash garaysay inan iyada ka yar 7 sanadood oo u ballanqaaday guur ay ka dalbatay, inkastoo uu inankaasi xaas leeyahay xiligan.
Baadhitaankii ay illaa hadda Boolisku sameeyeen waxaa lagu ogaaday inay lacagtaa ku maalgelisay inankaa iyo walaalkii oo lacagta qaarkeed daymo lagu lahaa kaga bixisay qaar kalena ugu iibisay gawaadhida qaaliga ah, sidoo kalena ay ka bixisay tikidho ay ugu safreen Dalalka reer yurub, hadiyado qaali ahna ay u soo iibisay.
Inantan oo xisaabiye ka ah qayb ka mid ah hay’adaha Dawlada imaaraatka ayaa la sheegay inay dhaqaale faro badan ku heshay dariiqooyin aan sharci ahayn sida ay baahisay jariirada Al-Bayan ee Dalka Imaaraatku todobaadkan.
Inantani waxay booliska u qiratay qaabkii lacagahani ku soo galeen oo ahaa mid khaldan, waxana ay difaacday lacagta ay ku maalgelisay inanka ay is jecel yihiin, iyadoo sheegtay in aanay kala bakhaylaynin hantida qof ay jeceshahay oo nafteeda u hibaynayso.
Hussein Kurdi
xogtadunida.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post