X
    Categories: Qubanaha

Haweenay Suxufiyad ah oo soo Jiidatay Indhaha Bulshada

Araweelo News Network

Haweenay suxufiyad ah oo magaceedu yahay Ginella Massa, kuna dhalatay dalka Panama ee qaaradda Ameerika, ayaa noqotay haweenaydii u horraysay ee haysata dhalashada dalka Canada (Kanada) oo iyadoo xijaab xidhan war ku akhrida.

Haweenaydan oo tallaabadan qaaday Jimcihii toddobaadkan, ayaa ka soo muuqatay telefiishan laga leeyahay dal Waqooyiga Ameerika ku yaala (Canada), taasoo noqotay markii ugu horraysay ee taariikhda gabadh muslim ah oo xidhan xijaab ay war ka akhrido Telefiishan laga leeyahay dalkaas.

“Bal malee qofka caawa akhriyaya warka,” ayaa ay Massa oo ka shaqaysa telefiishanka Citynews ku qortay bogga facebook ay ku leedahay, waxaanay intaa ku dartay; “Maaha wax weyn aniga xagayga, inta aan ogahay gabadh xijaab xidhan waligeed may noqon wariye war ka akhriya telefiishan Kanada (Canada) laga leeyahay.”
Dhinaca haweenaydan suxufiyadda ah, ayaa noqotay gabadhii u horaysay ee iyadoo xijaaban u shaqaysa telefiishan laga leeyahay dalka Canada bilawga sannadkii 2015, balse, hadda waxay taariikhda ku gashay inay xijaabkeeda ku fadhiisato istuudiyaha telefiishanka, isla markaana akhrido war laga daawado meelo badan.
Waxa kaloo ay tilmaantay inay aad ugu faraxsan tahay inay ku dhaqanto caaqiidooyinka diinta islaamka, isla markaana ay asturto jidhkeeda, maadaama Ilaahay (SWT) haweenka muslimka ah ku waajibiyey inay jidhkooda astuuraan, waxayna sheekadeedu soo jiidatay indhaha bulshada, iyadoo muujisay dedaal lagu dayan karo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post